Hargeysa(DAWAN): Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa uga digay dawladda taagta daran ee Soomaaliya inay soo farro-geliso deegaamo ka mid ah dhulka Somaliland.
Wasiir Cukuse oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargaysa waxa uu soo dhaweeyay sidii diiranayd ee magaaladda Buuhoodle loogu soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo halkaasi u tegay hawlo shaqo.
Waxaanu ku eedeeyay dawladda Muqdisho inay colaad ka hurinayaan magaaladda Buuhoodle. waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo u diraynaa shacabka iyo waxgaradka reer Buuhoodle ee sida wacan u soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka, oo halkaa u tegay hawlo nabadgalyo iyo mid shaqo. Waxaan doonayaa in mawqifka Somaliland cadayno ee nabadgalyada deegaankaas dhismaha shacabkaas gobolka Buuhoodle waxa uu ka mid yahay Jamhuriyadda Somaliland guud ahaana waxa aynu wada jirkeena iyo umaddnimadeena iyo dawladnimadeena u dhisanahay in horumarka ka samayno deegaamada dalkeenna.”
Waxaanu intaasi ku daray “Deegaankaasi waxa uu marayaa meel wanaagsan oo dadku u soo jeestay oo fahamay dhibaato ay leeday nabadgalyo daradu waxa aanu ka xunahay shacbigaasi marka wax u kordhaanba ka xun ee duulimaadka ku soo qaadaya ee dayuuradaha ku soo daabulaya saanada milateri, ee maalinta ay u ee kaato Buuhoodle meel nabada.
Dawladda Soomaaliya xukuumadeeda iyo maamulka Muqdisho waxa aan uga digaynaa in wax kastoo xumaana xagayaga reeban tahay oo gudihiina ayaa u baahan in nabadiina ka shaqaysaan in aad faraha kala baxdaan Somaliland iyo dadkeeda iyo deegaanka Buuhoodle ee maanta nabada heshay” ayuu yidhi wasiir Cukuse.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office