Agaasimaha Qorshaynta Oo Beeniyay Inay Is Khilaafeen Wasiirkiisa

0
276

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha  guud   ee   wasaarada  qorshaynta iyo horumarinta     ayaa beeniyay  khilaaf la sheegay in uu u dhexeeyo isaga iyo wasiirka wasaaradaasi   Dr. Sacad Cali Shire.  Waxaanu  been abuur ku tilmaamay  warar  arrintaasi ku saabsan oo ay baahiyeen qaar ka mid ah   warbaahintu.
 
Cabdirashiid Axmed Guuleed oo shalay xafiiskiis kula hadlay saxaafada,  ayaa   sheegay in warkaasi lagu sheegay khilaafka isaga iyo wasiirku  in uu yahay  mid mala-awaal, isla markaana  wax ka jiraa aanay jirin.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Wax   ka jiraa ma jirto waxaa laga qoray wasaarada qorshanta,   waxay  og-yihiina ma jiraan.  Waxaan  leeyahay  dadka  waxan qoray  waa ma hubsadeyaal,  sababtoo ah wasaarada qorshaynta  qaranku  waa wasaarad wada shaqaysa,  aniga iyo wasiirkana wax naga dhexaaya  oo  dhibaato ah ma jirto, wasiirkana ilaa maalintii aan imid ilaa hada si fiican ayaanu u wada shaqaynaa” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda qorshayntu.
Wasiirka xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayn ah ayaanu  leenahay,  xilalkayagana  waanu u madax banaannahay. Waxa   uu iga hayaana ma jirto, wax isaga aan ka hayaana majirto, wada shaqayn fiicana way naga dhaxaysa,  hogaankayagana weeyaan.
Markaa  waxaan u sheegayaa   dadweynaha  in aan  la khaldin oo been loo sheegin, saxaafadana meel yaan lagaga dhicin.  Waayo  saxaafadda   waxaa   loogu tala galay inay wax wanaagsan u sheegto dadka oo ay tilmamto, oo wax xaqiiqa ah sheegto, markaa waxaan leeyahay waxyaabahaas oo kale ka waantooba, waa ceeb, ha ka hadlina wax aydaan hubin”.
 
Dhinaca kale  Cabdirashiid Axmed Guuleed,  waxa uu ka  waramay   qorsheyaasha iyo shamaariicda horumarineed ay wasaarada qorshayntu ka wado guud ahaan gobalada  dalka, waxaanu   tilmaamay in ay  si weyn ugu hawlan yihiin  wax walba oo uu qaranku leeyahay   si  looga soo saaro baahida qaranku uu leeyahay .
 
 
“Waaxda qorshaynta oo lagu qorsheeyo wax walba oo uu qaranku leeyahay si looga soo saaro baahida qaranku leeyahay, waxyaabaha la taaban karo imika waxa ka mid ah  jidadka, waad aragteen sida loo qurxiyey  ama loo hagaajiyey ayaa ka mid ah.  Markaa  waxaanu soo saarnaa baahida jirta iyo mudnaanta jirta,  wasaaradu waa wasaarad sidaa u dhaqan oo u socota waad arkaysaan sida ay u kortay, gobolada waxaanu ku leenahay xafiisyo” ayuu yidhi agaasimuhu.
By:Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply