Shaahii Iiraan Illaa Kacaankii Khumayni QEYBTA 7AAD

0
352

Qalalaasaha siyaasadeed, colaadeed iyo kala qeybsanaanta illaa maanta ka taagan, haatana ka socdaan  dagaallo faraha lagaga gubtay dalalka khaliijka iyo kuwa kale ee kulaalaba, waxay ahayd mid soo taxnayd tan iyo waqtigii Shaahii Iiraan. Sheegashadii dalka Baxreyn ee Shaahii ka talin jiray dalka Iiraan, waxa kale oo u barbar socday isagoo ka qabsaday dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta saddex Jasiiradood oo ku yaalla gacanka Hormoos[ Hormuz. ]
Saddexdaa Jasiiradood ee uu Boqorkii Iiraan Maxamad Rida Bahlawi ka qabsaday Imaaraadka waa kuwa ku yaal meel xasaasi ah xagga istraatijiyada, waxana la kala yidhaa Greater, lesser Tunbs iyo Abu Musa. Geesta kale xilliyadaa oo ahaa lixdameeyadii ilaa dabayaaqada toddobaatameeyadii xidhiidhka u dhaxeeyey dalalka Ciraaq iyo Iiraan ma ahayn mid fiican. Waxa  u sabab ahaa Boqorkii xukumayey Iiraan, ayaa ahaa mid aad u  necebaa ugana soo horjeeday siyaasadda Xukuumaddii uu hoggaaminayey Abdal-Kariim Al Qaasim oo nidaamka Shuuciyadda ku  maamulayey Ciraaq, taasoo uu ka cabsi qabay in nidaamkani usoo tallaabo dhinaca Boqortooyadiisa. Sidaa si la mid ah ayuu Boqorka Iiraan uga soo horjeeday dalalka mabaadi’da Xisbal Bacaskii Carabta qaata.
Abril,1969kii, ayaa Shaahii Iiraan uu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis ay hore u wada galeen labada dal ee Iiraan iyo Ciraaq 1937kii, kaasoo qeexayey inay cashuur bixiyaan Maraakiibta Iiraan markay soo gaadhaan marin biyoodka badda ee Shaadi Al-carab. Arrintii kasoo yeedhay Boqorkii Iiraan ee Maxamad Rida Bahlawi, ayaa dalka Ciraaqna gaashaanka ku dhufteen, waxayna sheegeen in dagaal ka dhici doono hadday dalka Iiraan wax ka beddelaan heshiiskii hore labada dhinac u wada
Gaadheen 1937kii, haseahaatee mar kale ayuu boqorkii Iiraan isna sheegay in heshiiskaasi ahaa mid aan caddaalada meel ku lahayn, isagoo ku sababeeyey in badaha la midka Shaadi Al-carab ay yihiin kuwa ay wada isticmaalaan Maraakiibta adduunka oo dhammi si siman.
Isfaham la’aantii arrintan ayaa waxa ay keentay in markiiba uu Boqorkii Iiraan kaga dhabeeyo hadalladiisii, isagoo amray 24kii Abriil,1969kii, in Mraakiibtiisu ayna wax cashuur ah ka bixin marinka Shaadi Al-carab, isagoo raaciyey Maraakiibtii dalka Iiraan kuwa dagaal oo xoog ku mariya Marinkaas.  Ciraaq oo aad looga awood badnaa dhinaca Ciidammada ayaa ka baqay inay tallaabo Ciidan ka qaadaan Maraakiibtii Iiraaniyiinta ee ku xadgudbay heshiiskii u dhaxeeyey labada dal. Xurguftii ka dhalatay arrintii Shaadi Al-carab ayaa aad u sii kala fogaysay labada dal, inkastoo dalka Aljeeriya uu dhexdhexaadin ka galay soo afjarida khilaafkooda, kuna guulaystay inuu isugu keeno labada magaalada Aljaris 1975kii, halkaasoo ay ku kala saxeexdeen heshiis nabadeed. Ka sakaw khilaafka Shaadi Al-carab, waxa kale oo jiray jabhad Kurdiyiintu leeyihiin ayaa Shaahii Iiraan ku hubeeyey hub noociisu ahaa kii Midawgii Soofyeeti oo ay Israa’iil kaga qabsatay dagaalladii Carabta dhexmary. Ujeeddada uu Shaahii Iiraan ka lahaana awaxay ahayd inuu sii wiiqo xooggii Ciidammada Ciraaq oo kor usoo kacayey.
Heshiiskaa Aljaris kuwada gaadheen Ciraaq iyo Iiraan, waxa ka mid ahaa in Maraakiibta dalka Iiraan si la mid ah kuwa Ciraaq u maraan Shaadi Al-carab, iyadoo geesta kalana uu dalka Iiraan joojinayo dhammaan wixii gacan siin ahaa ee dhinaca Kurdiyiinta oo ay ku jiraan xerooyinka uu ka siiyey Boqorku dalkiisa. Xidhiidhka uu Shaahu la lahaa hoggaamiyayaasha dalalka Masar Anwar Sadaat. Jordan Boqor Xuseen iyo Boqor Xasan-kii II ee Moroko, ayaa ahaa kuwa aad isugu dhaw, kaasoo uu Boqorkii Iiraan si aad ah uga shaqeyn jiray sii wanaajinta xidhiidhka dalalkaas.
Boqorkii dalka Iiraan waxa u saamaxay inuu siduu doono ka yeelo dalalka khaliijka xilligaas, cilaaqaadkii adkaa ee diblomaasiyadeed ee uu la samaystay Dawladda Mareykanka oo iyaguna dhinacooda ka ballanqaaday inay ka difaaci doonaan weerar kasta oo xagga dibedda kaga yimaad. Taageeradaa uu ka haystay Boqorkii dalka Mareykanka waxa ay u saamaxday inuu dalka Iiraan helo xasillooni iyo in aanay dagaal kula soo degdegin dalalkii colaaddu dhextiil.
LA SOCO……………….  

Leave a Reply