Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiiladda ayaa u soo jeediyay xukuumadda inay ku taageerto Wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) tallaabooyin ku dhisan horumar oo uu sheegay inuu ka hirgeliyay Buuhoodle.
Xildhibaan Koore oo laga soo doortay gobolka Sool, waxa uu sheegay in waxyaabaha uu wasiir Xaglo-toosiye ka qabtay Buuhodle ay yihiin kuwo xasuus mudan, isla markaana xukuumadda Somaliland looga baahan yahay in la is-garab taago horumarka uu wasiirka caafimaadku ka hirgeliyay Buuhoodle.
Saleebaan Cali Koore, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu intaasi ku daray in si cad loo kala yaqaanno shaqsi kasta oo wax-qabad ka hirgeliya degaamadda Sool, guusha dhinaca horumarinta ee uu Xaglo-toosiye sameeyayna ay u baahan in aanay guul-darro ku dhamaanin.
“Waxaan marka hore halkan ka bogaadinayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo aan is leeyahay wuxuu ka qabtay gobolka Buuhoodle shaqo aan cid kale hore uga qaban, taasi oo mudan in nin kasta oo Somaliland-er ah ama raba inay ummaddu is-raacdo uu ka markhaati kacayo. Waxa uu qabtay waa wax xusuus mudan. xukuumadda iyo baarlamaanka intaba waxaan u soo jeedinayaa inay is-garab taagaan, oo guusha wasiirka caafimaadku ka soo hooyay Buuhoodle, in aanay ku dhamaan guul darro oo xukuumaddu ay dhisto gobolka Buuhoodle.
Degaamadda aanu ka soo jeedno qoladayada Barrigu, wuu ka dambeeyaa goboladda kale. Waxaan jeclaan lahaa inay noqoto oo si gaar ah oo ku haboon qofkii shaqaynaya in lala shaqeeyo. Siyaasiyiintayada dalka joogtay muddaanu joognay nin kasta iyo wakhti kasta waa la yaqaanaa waxa uu qabtay iyo waxa uu qaban karo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore
Mudane Koore, waxa kale oo uu ka hadlay hadal ahaynta ah in xildhibaano ka soo jeedda gobolka Sool ay diidan yihiin doorashadda golaha Wakiiladu ay ka dhacdo gobolkaasi, taasi oo uu sheegay mid aan waxba ka jirin, isla markaana ay diyaar u yihiin doorashadu ay ka dhacdo dhamaanba degaamadda gobolka Sool si ay u soo baxaan siyaasiyiin da’yar oo ka soo jeedda degaamadaasi.
Waxaanu yidhi “Golaha Wakiilada iyo xildhibaanada Rag badan baa la sheegay inay doorashada diideen, anigu waxaan leeyahay doorashada waa in la galaa oo kursiga 10 sannadood baanu ku fadhinay , 2 sannadood oo kale ayaa lagu daray oo 12 sannadood iyo ka badanbaa lagu fadhiyaa, kamaanu bixin ama waa in aanu doorashada galnaa ama waa in aanu dadka u banaynaa si dhiig cusub iyo dad cusub oo degaanka matalaya loo helo”.
Dhinaca kale Xildhibaanku waxa uu fariin adag oo hogotusaalayn ah u diray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax u soo jeediyay inuu mideeyo siyaasiyiinta iyo shacbiga degaamadda gobolka Sool maadaama oo uu isagu ku fadhiyo kursiga ugu sareeya ee beelaha goboladaasi.
“Haddii aanu degaankaa nahay derejada waxa noogu sareeya Baashe Maxamed Faarax (Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Wakiilada), Baashe waxa looga baahan yahay inuu dadka mideeyo oo uu hoggaamiyo, oo uu masuuliyada degaanka qaado ma’daama oo kursigii ugu sareeyey ee Dhulbahante iyo Warsangeli ku fadhiyo. Isaga ayaa taariikhdu wakhtigii kursigaa ugu sareeya fadhiyay qoraysaa waxa uu degaankaa gaadhsiiyay, ama waxa uu Somaliland u soo kordhiyay.
Waxaan leeyahay Guddoomiye, in aynu innagu guddaheena ficiltano waxa ka fiican in aad la timaado hoggaamin, annaguna waanu kugu ixtiraamaynaa oo kula shaqaynaynaa, laakiin shaqadaada derejada ugu saraysa ee degaanku ma aha in aad Nin iyo qof shaqaynaya maalin kasta is-haysataan. Masuuliyad ka weyn baa lagaaga baahan yahay” ayuu yidhi xildhibaan Koore.
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka “Baashoow Inaynu Gudaheenna Ka Ficiltano, Waxa ka Fiican Inaad La Timaado Hoggaamin...