Xubnihii Maamulka Gobolka Sool Oo Ka Dareeray Xisbiga WADDANI Oo Ay Ku Eedeeyeen Qabyaalad

0
303

Laascaanood (Dawan)- Dhammaan Xubnihii maamulka  xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee gobolka Sool ayaa gabi ahaanba iskaga baxay xisbigaas, waxaanay si rasmi ah ugu biireen xisbiga tallada haya ee Kulmiye.
Munaasibad soo dhawayna oo loo qabtay masuuliyiinta  ka soo digo rogtay xisbiga Waddani ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye oo lagu qabtay huteel Xamdi ee magaaladda Laascaanood  ayaa waxa ka soo qayb-galay xubno ka mida golaha  dhexe ee xisbiga Kulmiye, masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool iyo taageerayaasha xisbigaas.
Xubnahan xilalka sare ka hayay xisbiga Waddani ee ku soo biiray xisbiga  Kulmiye ayaa kala ahaa guddoomiyihii gudida fulinta ee xisbiga Waddani ahna aasaasihii xisbiga Waddani ee gobolka Sool Prof C/raxmaan Xaaji Saalax, guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani ee gobolka Sool C/laahi Digaale Cali, xoghayahihii degmadda magaalada Laascaanood Faysal Cali  Xirsi, Guddoomiyihii garabka haweenka ee gobolka Sool Ifraax C/laahi Xuseen, khasnajigii xisbiga Waddani ee gobolka Sool Hoodo Maxamuud Xasan.
Xoghayihii dhallinyarada ee xisbiga Waddani ee gobolka Sool C/raxmaan C/laahi Faarax iyo xildhibaan Xamse Cabdi Sacad oo ka mid ah golaha deegaanka oo ka soo baxay ururkii umadda ee ku hadhay doorashadii golaah deegaanka.
Guddoomiyihii guddida fulinta ee xisbiga Waddani ee gobolka Sool C/raxmaan  Xaaji Saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay  xisbiga Waddani mid beel qudha ku kooban isla markaana aanay umaddu u sinayn, waxaana uu yidhi  “xisbigii Waddani ee aanu doonaynay inuu noqdo xisbi shacbigu u siman yihiin oo umadda hogaamiya, waxa laga dhigay xisbi beeleed, taana waxa kuu cadaynaysa habeen  walba sida looga baxayo.”
Khasnajigii  xisbiga Waddani  ee gobolka Sool Hoodo Maxamuud Xasan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay inay si rasmiya ugu soo biireen xisbiga Kulmiye, waxaana ay tidhi “anigoo ah khasnajigii xisbiga Waddani ee gobolka Sool waxa aan cadaynayaa in aan u soo digo rogtay xisbiga Kulmiye aniga oo maankayga iyo miyirkaygaba qaba.”
Sidoo kale xidhiidhiyaha dadweynaha ee xisbiga Kulmiye Saalax  Muxumed  Idiris  Shiine oo isaguna halkaasi hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ka xisbi ahaan taageerayaashan ku soo biiray, waxaana uu yidhi “xubnahan ka soo digo rogtay xisbiga Waddani ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye  aad ayaan idiin soo dhawaynaynaa hadaanu nahay xisbiga Kulmiye.”
Dhinaca kale masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool ayaa waxa ay guddoonsiiyeen qalab sports kooxaha heerka koowaad ee magaalada Laascaanood.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply