Xukuumadda Oo La Wareegtay 302 Giraam Oo Macdan ah Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa

0
266

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland,ayaa qabatay  dhagxaan macdan ah ah oo la doonayay in si sharci darro ah dalka looga dhoofiyo isla markaana ay shaqsiyaad xadayeen khayraadka dalka.
Wasaaradda Duulista ayaa noocyda dhagxaannta Macdanta ah ee ay ku qabatay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal  ee magaaladda Hargeysa oo dhammayd 302 KGM waxay shalay ku wareejisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.
Dhagxaantan macdanta ah ayaa waxa  la wadeegay Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Macdanta Somaliland Eng. Ibaahim Shire Maxamed, waxana ku wareejiyey maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.
Munaasibad kooban oo lagula kala wareegayey Agabkaasi ayaa waxa ka hadlay Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo yidhi “Maanta  (shalay)oo ay taariikhdu tahay 19/08/2005,-ka waxaanu 302 Kg (Sadex Boqol Iyo Laba Kiiloo Garaam) oo Macdan ah, ku wareejinayaa Wasaarada Macdanta, waxaanu qabanay mudadii labada sanno ahayd ee ugu dambeeysay, 2014 ilaa 2015.”
Maamulaha Madaarka ayaa sidoo kalena  intaasi ku daray  “Macdanta waxa qabtay hawl-wadeeedna Amaanka ee Madaarka Cigaal, tani waxa ay muujinaysaa in Hay’addaha Dawladdu ay isku xidhan yihiin, oo Hay’add waliba shaqo gaar ah qaabilsan tahay, midi ay Duulimaadyadda qaabilsan tahay, mid ay Macdanaha qaabilsan tahay, hadana Dawlad ahaan wada shaqayanta naga dhaxaysaa, in ay tahay mid aad iyo aad u xoogan oo aanu wada shaqaynayno oo aanu nahay koox  ama laamo Geed qudha ka wada baxay”.
Markaa Waxaanu Jecelahay Agaasime in aanu Macadantaa, ama Dhagxaantaas iyo ciidahaas is biirsaday ee sida sharci darrada ah Waddanka looga  dhoofinayey oo cadadkoodu dhan yahay 302Kg in aad nagala wareegto, Wasaaradd ahaan dee shaqadaa fiican ee aanu qabanayna aanu xidhiidhka aynu leenahay dartii aanu kuugu wareejino,” ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.
Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Ibaahim Shire Maxamed oo Wasaaradda Duulista ku amaanay dedaalka ay samaysay waxaanu yidhi  “Maanta(shalay) waxaan kala wareegayaa maamulka Madaarka 302Kg (Sadex Boqol Iyo Laba Kiiiloo Garaam) oo Macadan kala duwan ah, mid Dhagax ah Iyo Mid Ciidaba, taas waxaa keenay Dadkan inta ay iska soo qaataan Macdanta ay doonayaan inay Madaarka iyo sharcigaba dhaafiyaan.”
 
“Ninka doonaya in uu Macadan dibada u qaadoow, waxaa waajib kugu ah, in aad soo martid marka hore Wasaaradda Macdanta, oo aad ka soo qaadatid Warqada dhoofinta. Warqada dhoofinta haddii aanad sidan oo aad istidhaahdo halkan la mar waa lagaa qaadayaa Macdanta, Macdanta halkan lagu qabto mid dib loo celinayaa ma jirto, waayo markii hore ayey sharci darro ku soconaysay, Macadantaa Wasaaradda ayaa lagu wareejinayaa halkaas ayaa lagaga shaqaynayaa, haddii ay wanaagsanayd iyo haddii ay xumaydba.”  “Inta badan waxaanu doonaynaa oo aanu ka codsanaynaa Dadkaa, Dadweynaha dhoofaya in ay Macdanta ay sitaan ay soo mariyaan kadinka wanaagasan, Albaabka dambe ha ka soo galina ka hore ka soo gala, waa laydiin sii daynayaa markaa, haddii aanad Warqadaa Sidan  waxay ku dambaynaysaa, sida taa maanta 302Kg oo Macdan ah oo Dad laga reebay, Nin loo Celinayaana ma jiro Macdantaa, Macdantaa Wasaaradda ayaa lagu wareejinaya,” Ayuu yidhi  agaasimuhu.
 
Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddaam Maxamed Axmed, waxaana  hadaladiisii ka mid ahaa “Wasaaradda Duulista iyo hawadda Somaliland waxay arrintan uga dan leedahay inaanu shacabka ogaysiino in dadka rakaabka ah ee isku dayaya inay ka dhoofaan madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, ee sita noocyada kala duwan ee Dhagaxaanta ah ama macdanaha ah, in aanay marnaba isku dayin inay sifo sharci darro ah u soo qaataan oo la dhoofaan ama u qarsadaan, qalabka casriga ah ee madaarka ku rakiban ayaa soo saari doona, oo lama gudbi karaan, markaas sifo sharci ah nidaamka ha u soo maraan dadkaasi.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply