Diyaaradaha Israa’iil oo Duqeeyey Siiriya

0
314

Dayaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Israel, ayaa weeraro ay ku dhinteen illaa iyo shan ruux oo rayid ah ka geystay qeybta ay Syria ka maamusho buuraha Golan Heights, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Syria.
Israel, ayaa sheegtay inay taasi uga gol laheyd waxa ay ugu yeedhay aargoosashada weerar gantaallo oo lagu soo qaadey dhankooda, waxayna sidoo kale tilmaamtay in dadka ay dileen ahaayeen kuwa ka tirsan kooxda dhaqdhaqaaqa Islamic Jihaad ee Falastiin.
Dayaaradahaasi, ayaa bartimaameedsaday Jimcihii gaadhi u dhawaa suuq ku yaalla tuulada al-Koom ee gobolkaa Quneitra.
Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ay u jawaabi doonaan cid kaste oo isku dayda inay iyaga wax yeeleyso.
 

Leave a Reply