Rabshad ka Dhalatay Kitaab Qur’aan ah oo la jeexay

0
335

Qiyaastii 17 qof, oo lix ka mid ah ay askar yihiin ayaa ku dhaawacantay rabshad ka dhacday xero dad qaxooti ah deggan yihiin oo ku taalla dalka Jarmalka.
Qalalaasaha ayaa bilowday kaddib markii dad lagu qiyaasay 20 qof oo megengelyo doon ah ay weerar ku qaadeen nin u dhashay dalka Afghanistan oo ay ku eedeeyeen inuu jeejeexay bogagga kitaabka quraanka kariimka, uuna ku tuuray musqul.
Markii ciidamada amniga ay isku deyeen inay kala dhexgalaan dadka rabshada ay ku dhexmareysay xerada oo ku taalla magaalada Suhl, weerar ayaa iyagana lagu qaaday.
Siyaasiyiinta ayaa waxa ay ka digayaan xiisadda sare u sii keceysa ee ka  taagan gudaha Jarmalka.
Dalkaasi waxa uu la hardamayaa  u adkeysiga tirada dadka soo galootiga ah ee sii badaneysa ee gudaha dalkaasi iska dhiibaya.
 

Leave a Reply