Jamaal Cali Xuseen Oo Mucaaridnimo Ka Dayay Inuu Caarido Guddida Dib U Habaynta Shuruucda Dhulka

0
316

Hargaysa(DAWAN): Musharaxa Jagada Madaxweynaha  xisbiga  mucaaridka ah ee  UCID Jamaal Cali Xuseen,  ayaa si cad uga soo hor jeestay in dalku yeesho  siyaasad   lagu   maamulo   dhulka, taasi   oo ah qodob muhiim ah oo qaranku u baahnaa isla markaana aanay   xukuumadihii  hore ku guulaysan in ay sameeyaan.
Waxaanu ku baaqay Jamaal Qoslaaye in   dhulka danta guud ah la iska qaato oo aanay  dawladdu gacanta ku hayan  arrintaasi oo noqotay mid aad loola yaabay. Taasi oo muujinaysa in uu jirro xidhiidh ka dhexeeya  Jamaal iyo shaqsiyaad  doonaya in ay  sifo sharciga baalmarsan uga faa’iidaystaan.
Hadalkan  musharaxa  madaxweynaha ee xisbiga UCID  ayaa daba socday Digreetada uu habeen hore  soo saaray Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), kuna magacaabay    guddi heer  Wasiirro  ah oo  loo xil saaray  in ay soo diyaariyaan  siyaasadda dib u habaynta dhulka,   si gacanta dawladda loogu soo celiyo dhulka  danta guud oo muddooyinkan  danbe ay ka taagnaayeen dhibaatooyin badan.
 
Majaajileyste Jamaal, oo shalay  u waramay TV-ga Star ayaa cadaystay  sida uu u doonayo in lagu sii jirro xaaladda xun ee ay haatan marayso arrinta dhulku. Iyadoo ay dhamaanba bulshadu si buuxda ula wada socoto dhibaatadda dhimashadda  badan leh ee dhulku ku hayo bulshadeena. Hadaba marka uu leeyahay Jamaal qoslaaye dhulku siyaasad iyo qorshe qaran uma baahna ma wuxuu doonayaa in maalin kasta dhulka Somaliland  ee ah hantida qaranka ee ma guurtada ah ee dhulku ugu horreeyo in  la lunsado  oo aau qaranku yeelan.
 
 
 
Jamaal qoslaaye ma dhulka qaranka ee uu diiday in gacanta dawladda lagu soo celiyo xeer qaran oo dhaqan gal ahna loo sameeyo sida keliya  ee uu uga soo hor jeestay, ayaa   la odhan karaa  wuxuu dilaal ka yahay dhulka  qaran oo dan guud ah. Iyadoo  aanu hadda dhulku  ku jirin gacanta dawladda oo uu ka iibiyo dad lacago ku soo hagaajistay isaga. Waxaa ka muuqata Jamaal Cali Xuseen oo doonaya in uu u tartamo jagada Madaxweynaha kana tartamaya Xisbiga UCID ma dal kale ayuu musharax ka yahay oo aan ahayn Somaliland mise musharaxnimadiisa ayaa ah iska hadal oo waxaa kaga wayn dhulka danta guud ee lagu soo celinayo gacanta dawladda intaan xeerka loo samayn in uu dilaal ka noqdo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply