Kenya: Cabashadii C/Raxmaan Cirro Ee Go’aankii Maxkamadda Sare Iyo Canaantii Carvone d’Urso

0
311

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa gelinkii dambe Salaasadii socdaal kadis ah ugu ambo-baxay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.  Saacado ka dib markii  lagu dhawaaqay Go’aankii ay Maxkamadda sare ee dastuuriga ahi ku soo af-jartay khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo wakiiladda.
Socdaalka Guddoomiye Cirro ee dalka Kenya oo aan ujeedadiisa la shaacin, ayaa ilo xog ogaal ahi sheegeen inuu Nairobi kula kulmay  Wakiilka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Carvone d’Urso oo ah nin qadiyadda Somaliland ka soo horjeeda oo gacan saar weyn la leh Guddoomiye C/raxmaan Cirro.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay In Guddoomiye Cirro  uu kulankii dhex maray wakiilka  midowga Yurub uu ku wargeliyay go’aankii maxkamadda sare soo saartay oo uu sheegay inuu qaatay hase ahaatee uu ku ahaa go’aan qadhaadh oo ay u suurto-geli wayday inay  diidaan xisbi ahaan. Maadaama oo labadii xisbi ee UCID iyo KULMIYE ay ajiibeen.
 
Waxa la soo weriyay in Mr. Michele Carvone d’Urso uu ku canaantay Gudodomiyaha xisbiga WADDANI asbaabaha uu u diidi waayay, isla markaana uu ku tilmaamay siyaasi aan la isku halayn Karin, inkasta oo uu Guddoomiye Cirro isku dayay inuu ku qanciyo dublamaasigaas Talyaaniga ah in go’aankii maxkamaddu aanu ahayn mid la diidi karayay oo shacbiweynuhu ogolaayeen.
 
Sidoo kale waxa kale oo jiray dublamaasiyiin kale oo fadhigoodu Nairobi yahay in Guddoomiyaha WADDANI la kulmay isla markaana uu ka dalbaday in xukuumadda Somaliland culays lagu saaro in laga noqdo Go’aankan.
 
Geesta kalena waxa la sheegay in Guddoomiyaha WADDANI uu socdaal kale ku tagayo Magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya si uu ula kulmo qaar ka mid ah danjireyaasha dalalka adduunka u fadhiya oo uu ka dacwoonayo go’aankii maxkamadda sare ee uu hore u sheegay inuu aqbalay. “Go’aanka ay maxkamaddu soo saartay sidiisa ayaan ku qaadanaynaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Wakiilka midowga yurub waxa uu ahaa qofkii xisbiga WADDANI ku dhaliyay mudaharaadkii ay ku baaqeen ee dadweynuhu dhabarka u soo jeediyay ee ay kaga soo horjeedeen go’aankii Golaha Guurtiddu muddo xilleedka ugu kordhiyeen aqalka wakiiladda iyo Xukuumadda Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply