Khubarro Maraykana Oo Ikhtiraacay Hab Cusub Oo Culayska Jidhka Lagu Ridi Karo

0
393

Khubaro u dhalatay dalkaasi Maraykanka ayaa ikhtiraacay hab cusub oo qalab ku lamaan yahay, taas oo si fudud qofku iskaga ridi karo culayska jidhkiisa fuula,kaas oo si fudud isaga ridi kara xataa marka uu hurdo, isaga oo aan waqti ku khasaarinayn, sidoo kalena aan raacayn talaabooyin badan.
Khubaradan Saynisyahanada oo ah koox kamida jaamacadda Massachusetts Institute ayaa laabkooda ku sameeyey baadhitaankan, kaas oo loo adeegsaday jiirka inta badan loo adeegsado tijaabooyinka, waana qalab bedelaaya waxna ka bedelaaya unugyada keena in qofku cuslaado ee jidhka ku jira, isaga oo gubaaya duxda jidhka ku jirta.
Waxaana yaraaday baruurtii badnayd ee jiirkaasi lahaa,isaga oo aan samayn wax cunto joojin ah,sidoo kalena isaga oo aan samayn wax jimicsi ah oo yarayn kara culayskaasi jidhka saran.
Professor ka tirsan Manolis  Institute oo hoos yimaada maxadka Massachusetts ayaa ka hadlay qalabkaasi ay soo saareen iyo tijaabada ay mariyeen isaga oo sheegay in ay qalabkan ku xidhi jireen jiirka habeenkii ,iyaga oo markii dambena ku tijaabiyey maalintii iyo sida uu noqonaayo una ridaaayo culayska jidhkiisa.
Waxaanu Professorkani intaasi ku daray in unugyada keena culayska jidhka ee dadku ay gubitaanka u wadayaan sidoodii caadiga ahayd ee hore,iyaga oo aanay waxba iska bedelayn,kana dhacaayo gubitaankaasi jidhka dhexdiisa.
Khubaradan ayaa aaminsan in habkani yahay mid fududaynaaya in lala dagaalamo buurnida xad dhaafka ah ee dadku cabashada badan ka keenaan,iyaga oo sheegay in dadka caalamka ku nool in badan oo kamid ah ,gaadhaysana ilaa 500 oo million ka cabanayaan buurnidaasi xad dhaafka ah.
 
 

Leave a Reply