Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ku Baaqay In Tallo Laga Yeesho Saami-qeybsiga Wakiiladda Ee Muranku Ka Taagan Yahay

0
312

Hargeysa (DAWAN):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay socdaal rasmi ah ugu ambo baxay dalka Itoobiya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan Saylici  oo intii aanu  shalay ka dhoofin Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal   la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xeerka lagu soo dooranayo mudaneyaasha Golaha Wakiiladda arrintiisu ay tahay mid u baahan tallo qaran oo  laga wada yeesho isla markaana u taalla goleyaasha Qaranka.
Waxaa kale oo uu ka hadlay xildhibaanadda gobolka Awdal ugu jira Wakiiladda ee maqan fadhiyadda Golaha Wakiiladdu ku naaqishayaan xeerka doorashadda Wakiiladda.
Ugu horrayn Madaxweyne ku-xigeenka oo socdaalka Weftiga uu hoggaaminayo ka hadlayay waxa uu yidhi  ayaa  “Aniga iyo weftiga aan hoggaaminayaa waxaanu maanta(shalay) safar ugu baxaynaa magaalada Addis Ababa. Inshaa Allaah muddo kooban oo laba maalmood ah ayaanu ku maqnaan doonaa. Safarkaasi waa safar shaqo oo  wasiirro kalena nagaga horreeyaan Addis Ababa ayaanu u soconnaa, iyadoo sidaad ogtihiin Itoobiya tahay dal weyn oo aynu jaar nahay oo wax badanina innaga dhexeeyaan, iskaashi badana aynu ka leenahay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadda.”
 
 
Madaxweyne xigeenka  oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay mudaneyaasha Wakiiladda ee ka maqan golaha ee ka soo jeeda gobolka Awdal,waxa uu yidhi  “Arrintaas xukumaddu qaranka ayay ula siman tahay. Arrinta baarlamanku waa arrin tallo qaran u baahan, xildhibaannaduna meel ma tagin ee cabasho uun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo. Arrintani waxay noqonaysaa tallo qaran oo u taal goleyaasha qaranka sidii hawshaas looga gudbi lahaa. Xeerku wuxuu hor yaal golaha wakiillada markaa marka doodiisu bilaabanto iyo haddii dusha lagaga wada hadli lahaaba waa arrin maanta qaydhiin oo aan laga hor dhici karrin.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply