Mucaaradka Giriiga oo Dhisaya Dawlad

0
282

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee dalka Giriigga ayaa sheegaya in uu isku dayi doono in uu soo dhiso dowlad cusub oo wadaag ah si looga baaqsado doorasho xilligeeda ka soo hormarta.
Vangelis Meimarakis oo madax ka ah xisbiga New Democracy Party ayaa haysta mudda saddex maalmood ah si uu u soo dhiso dowlad wadaag ah kaddib markii uu is casilay Ra’iisul Wasaarihii garabka bidix ee Alexis Tsipras.
Balse xisbiga laga yaabo in uu isbahaysiga la galo ee To Potami Party ayaa sheegay in uu doorbidayo doorasho cusub.
Jarmalka ayaa sheegay in cid kastaa oo hoggaanka qabataba Giriigga uu sii wado in uu isbadalkii uu ballan qaaday ee ku xusnaa heshiiskii dhawaa ee badhitaarka dhaqaalaha dalkaasi.
 
 

Leave a Reply