“Way Ka Baxeen Buuhoodle Cali Khaliif Iyo Kooxdiisii,Laakiin May Fogaan Oo Meel Balli-cad La Yidhaahdo Ayay Tageen, Mana Yeelayno Cid Kasta Oo Nabad-gelyadda Wax u Dhimaysa”

0
286

Hargaysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka  Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed  (Xaglotoosiye) oo socdaal shaqo ku jooga magaaladda Buuhoodle,ayaa ka xog waramay safarkiisa shaqo iyo waxyaabah u qabsoomay.
Waxaa kale oo Wasiir Dr. Xaglotoosiye uu sawir ka bixiyay siyaasadda Dagaal ooge Cali Khaliif oo uu ku tilmaamay awr ban  ka qooq ah oo meel aan geelba u joogin ku qooqay. Halka uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladana jawaab ka siiyay hadallo uu dhawaan kaga hadlay socdaalkii  dagaal Ooge Cali Galaydh ku yimi Buuhoodle iyo safarka shaqo ee Wasiirka. Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirka Caafimaadka Somaliland waraysi uu shalay khadka tilifoonka ku siiyay Radyow Hargeysa.
“Beryahan sida aad la socotaan waxa aan joogay gobolka Buuhoodle,  gaar ahaan magaaladda Buuhoodle,safarkaygu waxa uu la xidhiidhay inaan ka hor tago koox qas wadayaal ah oo doonayay inay Buuhoodle ku qabsadaan.  Waxaanay waxyeelaynayeen   nabad-gelyada Buuhoodle oo muddo  labada sanno iyo badh ah oo  Somaliland joogtay aan wax dhib ahi ka dhigicin.  ALLE  waa igu guuleeyay way baxeen kooxdii Cali Galaydh, laakiin haddana may fogaane meel Balli-cad la yidhaahdo ayay shirkoodii ula guureen Somaliland-na  yeeli mayso cid kasta oo doonaysa inay wax u dhinto nabad galayada,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
Wasiirka oo ka hadlayay sida duulaanka ay Muqdisho ku soo qaaday Somaliland uu u dhaawacayo wada hadalkii u socday labada dal waxaanu yidhi  “Kooxdaasi waxa ay ka soo duushay magaaladda Xamar ee dalka Soomaaliya,waa nasiib darro in Soomaaliya oo wada hadal innoo socdaan isla markaana ay isku dayayso inay nabadda Somaliland car-qaladayso,waan cambaaraynayaa Maamulka Xasan Sheekh,waxa ay ka soo duuleen Xamar waxaanay yimaadeen Buuhoodle,balse Buuhoodle oo magaaladda ugu weyn ah deegaankan waa laga saaray ,meelaha ay imika u guureenna waa laga saari doona.”
“Goroon diyaaradeed  ayaa Buuhoodleku yaalla,garoonkaasi maamul ma leh ,raadaal ma leh,waa garoon halis ku ah nabad-gelayada Somaliland ,wixii ay diyaaradaasi siday sida ay sirdoonka Somaliland noo sheegeen Cali khaliif wuxuu sitay waa uu la guuray waanaynu ognahayoo waa inuu Somaliland qaso,waxaanu ula guuray xagga uu imika u baxay,”ayuu ku dooday Wasiirka Caafimaadka Somaliland.
Wasiir Xaglatoosiye waxa uu sheegay in aanu Cali Khaliif Salaan ka dhigan Karin shacbiga reer Buuhoodle, waxaanu yidhi “Cali Khaliif waxaan u arkaa ,waxa jira xaga dhaqanka Awr la yidhaahdo BAN KA QOOQ,waana awr aan geel haysan oo haddana qooqay ,kaasi ayuu la mid ayahay Cali Khaliif,waa nin weyn waa in da’a meesha uu wax ka raadinayana waxba uguma jiraan,Cali Khaliif waxa uu doonayaa inuu DHULBAHANTE ka dhigto salaam uu meel sare ku gaadho,isaguna noqon maayo salaam  meel sare lagu gaadho.Cali Khaliif waxa aan leeyahay iskaga bax arrimahaasi,inaad hub keento iyo inaad nabadda carqaladayso waxba kaagama hagaagayaan,nabad galayada bulshadda deegaanka ayaa leh siyaasaddiisu waa siyaasad ma jaro habawsan.”
Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlayay hadafka koowaad ee  siyaasadda qaranka Somaliland,waxa uu yidhi “Somaliland mabda’eeda koowaad waa nabad-gelyo anigoo Wasiirkii caafimaadka Somaliland ah ayaa halkan imid saacad igumay qaadateen inaan buuhoodle ka saaro ,laakin annagoo nabada eegayna ayaanu qaadanay siyaasadd uu isagu kaga bixi karo,annagoo tallaabo qaadin ayay dadku fahmeen oo ay iska saareen.”
Wasiirka caafimaadka  waxa uu intaas ku daray   “Runtii waan dhagaystay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo arrintaa ka hadlaya imaantinkayga aan halkan imid shaqsinimo kumaan iman waxaan ku imid tallo qaran. waxaan ku imid amar madaxwayne. waxaan hadda ku joogaa tallo qaran iyo amar madaxwyane,anigu reer Buuhoodle ayaan ahay way kala duwan tahay marka madaxwyanuhu ii diro iyo markaan shaqsi ahaan ku imaado,Buuhoodle waa Somaliland waadigii arkayay sidii la iigu soo dhaweeyay Buuhoodle.  Buuhoodle tallo qaran uma baahna ee waxa tallo qaran u baahan ku xigeenka koowaad  guddoomiyaha baarlaamaanka Somaliland.Jagadaasi ayaa u baahan tallo qaran,waan ka xumahay inuu beeneeyo hadalkii wasiirka warfaafinta,waan ka xumahay inuu u hadlo sidii uu yahay gudoomiye ku xigeenka baarlamaaka Soomaaliya,waan ka xumahay inuu difaaco cali Khaliif iyo kooxdiisa.”
Waxaa uu ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxyaabihii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hir-galisay Buuhoodle intii ay xilka qaranka haysay iyo hawlaha hadda ka socda iyo qorshaha horumarinta Cisbitaalka Laascaanood. “Buuhoodle waxa aan u joogaa inaan dadka wacyi galiyo,inaan dadka la tasho,waxa ka go’an deegaanka Buuhoodle inay nabad gelyo ka  hirgaliso,dadkuna waxa ay diyaar u yihiim midnimo,horumar iyo nabad.  Buuhoodle Umballace kii ugu horeeyay ayay Somaliland gaysay,intaan Wasiirka ahaa waxaan geeyay Umballace kii ugu horeeyay ,waxaan ka hirgaliyay Mac-hadkii caafimaadka oo hadda dhammaad  ku dhow,waxa laga dhisay illaa saddex MCH,waxaan hadda WIDHDWIDH ka dhisaynaa dhakhtarkii TB-da ,dhawaanna waxaanu soo furaynaa  Tababarro badan oo loo samaynayo dadka caafimaadka Buuhoodle.Imika waxa dhakhatarka Laascaanood loo ansixiyay laba milyan iyo badh oo sanduuqa horumarinka Somaliland looga ansixiyay ,haddii ay tahay horumarinta caafimaadka iyo gaadiidba.”
Ugu dambayn waxaa uu tallo iyo dardaaran u jeediyay bulshadda reer Buuhoodle, waxaanu yidhi  “Haddii aynu nahay Reer Somaliland waxa aynu u baah nahay  midnimo,waxa kale oo aan shacabkayga farayaa inay u hiiliyaan midnimadaa,inay diidaan shaqsi kasta meel uu doono ha joogaane,Somaliland maanta waa dalk jira khaladkii aynu lixdankii galnay waynu ka soo noqonay,cidkasta oo doonaysa inaynu galo khaladkii aynu galay lixdankii aynu meel uga soo wada jeedsano.”
Wasiirka caafimaadka Somaliland oo wali ku gudo jira socdaal shaqo  oo uu Buuhoodle ku joogo ayaa intii  uu ku sugnaa magaaladda Buuhoodle waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshadda  magaaladda Buuhoodle.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply