Xalka: Saami-qaybsiga Kuraasida Golaha Wakiiladda

0
484

Mar kasta oo doorashadda Golaha Wakiilada soo dhawaato, waxaa bilaabma buuq iyo is-qabqabsiga saami qabsiga Golaha Wakiiladda. Doorashadii Golaha Wakiiladda ee 2005 inta aan la qabanin, ayaa goballada qaarkood ka biyo diideen samiga Golaha Wakiilada loo qoon deeyay. Haddaba, waxaa ay  Maxkamda Sare soo saartay go’aan xal u ahaa sami qabsiga. Go’aankani waxaa uu odhanayay :
Samiga Golaha Wakiiladda (ka ay maanta goballadu ku fadhiyaan) waa in doorashadani lagu galo. Doorashooyinka dambana waa in dalka laga hirgaliyo diiwan-galin lagu saleeyo sami qabsiga Golaha Wakiiladda.
Go’aanka Maxkamadda sare waxaa laga jooga 10 sanno, Xukumadani iyo tii ka horaysayba waxa ka masuula in dalka diiwan galin laga qaban. Golaha Wakiiladu waxaa ay ahayd in ay Xukuumadda ku daba galaan sidii dalka laga hirgalin lahaa tira koob. Sida daraadeed, Golaha Wakiiladuba way ku fashilmeen arrintani. Haddaba, iyada oo  muddo koobani ka hadhay wakhtigii la soo dooranayay Golaha Wakiilada , waa  nasiib darro in xubno ka mid ah Golaha Wakiiladu in ay ku andacoodan in aanu gobalkoodu helin saamiga ay xaqa u leeyihiin.
Maanta mar labaad ayay dadk Somaliland doorashadii Golaha Wakiilada u diyaar yihiin. Haddaba, cida xil gudasho la’aanta ku doonaysa  in loogu hibeeyo in ay Kuraasta Golaha Wakiilada iskaga sii fadhiyaan, waa dad liita oo aan isla yaabaynin.
Somaliland waxaa qabsatay 5 doorasho, marka laga bilaabo 2002 oo dhacday Doorashadda Golaha Degaanka illaa iyo 2012 oo ay mar labaad dhacday doorashadii Golaha Degaanka. Doorashooyinkani waxaa ka soo baxay Natijooyinka tirada codaysay. Waa dhab in doorashooyinka dadka qaar ay codeeyaan mar wax ka badan. Lakiin waxaan qabaa  in goballada oo dhan ay ka sinaayeen arrintaasi. Teeda kalana, natiijooyinkaasi waxaa lagu doortay, xildhibaanada  Golaha degaanka , gole Wakiilada iyo Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeenno, sida daraadeed lama odhan karo waxba laguma qaybsan karo.
Haddaba, qoraalkani waxaan doonayaa in aan dib u eegid ku sameeyo natiijooyinkii tirada codadka doorashooyinka ee dalka ka dhacay iyo waxa uu xalku yahay. Waxaan xisaabiyay tiradda  codadka Median-ka gobol kasta. Median-ku waa tirada dhex dhexaadka ah. Waxaa gobol kasta ka tuuray tirada codadka ugu badan iyo tirada codadka ugu yar, kadibna waxaan soo saraya tirada codadka isku cel-celiska ah. Tirada codadka ee aadka u badan waxaa tusaale u tahay in tirada codadkaasi ay ka fog tahay tirada gobolka ka codaysay, oo ay ku jiraan codad dheerad ah. Isla markaana, tirada codka ee yari waxaa calaamad u tahay in wax ka khaldan yihiin sida loo codeeyay. Marka tirada codadka ee sax ahi waa ta dhexda ah, tani oo ka turjumaysa tiro ka codaysay gobolka.
Degmada Buuhodle ee goballada Togdheer doorasho kama dhicin, marka Natiijadda codadka gobolka Togdheer ma aha kuwa ka turjimaya tirad codadka ee gobalka. Tirada codadka ee degaanka Buuhoodle waxaan lagu qiyaasi karaa  in ay tahay 10% illaa 20% codadka gobolka Togdheer. Sida daradeed, waxaan xisaabta ugu darnay 20% codadka gobalka Togdheer. Tirada aanu ugu darnay ma ah mid sax ah, laakiin waa ‘estimation’ ama qiyaas qaadasho.
Sida oo kale, bariga Sanaag lagama codayn. Tirada degmooyinkani waxaan lagu qiyaasi karaa in ay tahay 20% illaa 25% codadka gobolka Sanag. Tirada aanu ugu darnay ma ah mid sax ah, laakiin waa ‘estimation’ ama qiyaas qaadasho.
Gobalka Sool, degmada Caynaba oo kaliya ayaa laga codeeyaa,  gobalka intiisa badana lagama codeeyo, marka laga reebo doorashadii deegaanka ee 2012, oo degmooyinka sida Las-caanod si fiican uga dhacday. Codadka gobolka Sool ka maqan waxaa lagu qiyaasi karaa in 80% ilaa 90% tirada codadka ka codeeyay. Sida daradeed waxaan xisaabta ugu darnay 90% codadka gobolka Sool, in ay ka maqan yihiin. Marka laga reebo doorashadda deeganka ee 2012, oo la odhan karo 50% gobolka waa  laga codeeyay. Tirada ma ah mid sax ah, lakiin waa qiyaas qaadasho.
 
 
 
 
Natiijada dadka dalka ka codeeyay & Samiga Golaha Wakiilada by Median-ka.

Gobalo G/Deganka  2002 Madaxtooyada 2003 G/Wakiilada
Sept 9, 2005
Madaxtada 2010 G/Deganka 2012 Median Samiga
By Medianka
Saxil 30,807 30,537 52,479 29,211 54,533 37,941 5
Awdal 100,495 65,930 133,020 81,338 114,452 98,762 14
M/Jeex 186,383 208,864 253,229 236,651 314,663 232,915 33
Togdheer 66,598 115,064 121,751
 
111,653 160,460 116,156 17
Sanag 53,096 57,938 89,286 58,515 114,642 68,580
 
10
Sool 6,266 9,702 20,557 20,878  49,383 20,718 3
Total
 

Leave a Reply