Athens Lunatic: Xarun Caafimaad Oo Aan Aqoon Lahayn

0
415

Muddo intee leeg ayay halkan joogtay ? Ma garanayso. Waxay timi iyadoo aabaheed la socota subax hore.  Wakhti fog ayay ahayd, waxay xidhnayd dhar cad oo khafiif madaama ay sabool ahaayeen. Waxay jirtay 10 sano keliya.  Waxayna ahayd gabadh yar oo aad u qurux badan , timo dheer oo aan hilib badan lahayn, laakiin aan la socon arimaha dhacaya.  Indhaheeduna ilmaynayaan si aan caadi ahayn. Waxayna ahayd mid uu hayay wakhtigaasi xanuun loo malaynayo Shaydaan.
Aabheed ayay gacanta si adag u haysatay, waxayna galeen qol weyn oo derbiyo dhalaalaya oo midabkiisu caddaan yahay.
Waxa qolka dhiniciisa danbe ah xafiis ay fadhiday Islaan weyn oo miis hor yaalo. Waxay u muuqtay mid aan naxariis lahayn oo aad dareemayso qalafsanaanteeda.
Waxay la hadashay inanta aabaheed waxayna u dhiibtay waraaqo. Gacantii inantiisa yar ayuu sii daayay si uu buuxiyo waraaqahaasi, laakiin kamay ag dhaqaaqin gabadhiisa yari, waxayba ku taageeraysay buuxinta waraaqahaasi.
Markii uu buuxiyay  ayaa waxa u yimi laba dumar ah oo xidhan dhar cadcad oo dhaadheer.  Aabaha ayaa gabadhiisa yar u eegay si murugo leh  waxaana uu ka dhunkaday  labada dhaban isagoo laabta ku qabtay, waxaana uu u sheegay inuu kaga tegi doono labadan dumar ah muddo yar , si dhakhso ah ayay u qabteen.
Iyadoo ilmo ka qubanayso ayay aabaheed laabtiisa isku dhejisay labada dumarka oo aan naxariis lahayn ayaa xoog u qabtay oo ka saaray qolka, iyadoo aabaheed uu u eegayo si murugo leh. Gabadha yar aya aad u qaylisay Baabaa… Baaba.. waxaana uu ugu jawaabay isagoo gacanta u ruxaya  waan kugu soo noqonaya , kaa tegi maayo inantaydiiyay waan ku jecelahay. Maalintaasi ayay  ahayd markii ugu danbaysay ee Margaret Schilling aragtida abaheed.
Sida loo keenay xarunta Margaret ayay dad badani muddo tobanaan sano ah u keenayeen caruurtooda, abaayaashood, hooyooyinkood iyo walaalahood. Waxayn u sheegayeen marka ay ka tegayaan inay ku soo noqon doonaan , laakiin badankoodu kuma soo noqdaan. Dadka badankoodu ma jecla inay soo booqdaan xarunta Cilaajka ee lagu daweeyo xanuuunada nafsaaniga ah iyo kuwa maskaxda, waxayna ka werweraan inay xusuustaan in qof qoyskood ka mid ahi ay xarunatni qabto. Kuwo kale waxay diidayaan in qoyskood loo arko inay yihiin kuw waalida iyo shayaadiinta xidhiidh la leh.
Xarumaha xanuunadan xidhiidhka la leh shayaadiinta iyo  maskaxda ku shaqo leh aya Yurub ka soo shaac baxay qariniyadii dhexe, ugu horayna waxay ku bilaabmeen khuraafaad  iyo inay qaybka wax ka sheegaan. Dadka aya wakhtigaasi aaminsana  in xanuunada maskaxadu  ee waalida ah ay sabab u yihiin sixir , shaydaan iyo cadho Allah.   Wakhtigaasina kuwa saaxiriinta lagu ogaado Yurub waa la gubi jiray.
Markii uu soo baxay kacaankii wershadaha wax uu noqoday mid sare u qaaday saami weyna ku laha xanuunada maskaxda ee nafsaaniga ah iyo isku buuqa oo aad u batay (stress). Taasi oo wakhtigaasi horseeday  in Yurub laga  furo goobo badan oo cusub oo la sheegay in lagu dawaynayo xanuunada isku buuqa nafsaniga ah, maskaxda iyo shayaadiinta. Waxa kale oo soo baxay aragtiyo cusub oo cilmi nafsiga ah kuwaasi oo ku dhisan kuna salaysan tijabooyin cilmi ah.
Dhinaca Maraykanka waxa kordhay  xanuunada waalida ka dib dagaalkii sokeeye ee 1861-1865 . Dagaaladuna sida lagu yaqaan kuma kooban oo keliya dil iyo burbur, laakiin waxay ka tagaan dad badan oo ay ku dhacaan xanuuno nafsaaniya oo ka soo gaadhay dagaaladaasi ay goob jooga u ahaayeen.  Sidaas darteedna xukuumadda ayaa dagaalkii markii uu dhamaaday curisay goobo dhawr ah oo dadka qaba xanuunada maskaxada lagu daweeyo.
Mid ka mid ah xarumhaasi ayaa laga dhisay Ohio meel u dhaw magaalada Athens ee Maraykanka dhismihiisa aya qaatay lix sano 1868- 1874 iyadoo loo bixiyay magaca Athens Lunatic Asylum, waxa kale oo loo yaqaanay The Ridges iyadoo meel sare ku taalay awgeed waxaana maal geliyay maalqabeeno deegaanka ah.
Xarunta magangelinta dadka qaba xanuunada maskaxda iyo derderka ee cilaajka ahi dagaaladii ka dib waxay ka koobnayd 500 qol oo bukaanka la dhigo. Iyo dhismayaal qaybo kale ah oo dheeraad ah, iyadoo loo sameeyay hab isku filaansho ah waxay lahaayeen talaajado khudarad lagu rido, beero digaag lagu dhaqo, xero adhiga lagu dhaqo, wershado caanaha lagu sameeyo oo yaryar iyo goobo cuntooyinka lagu sameeyo.
Waxay ahayd rug aad u heer saraysa gaar ahaan sanadadii hore, markaasi oo ay yaraayeen tirada bukaanka. Laakiin arimaha ayaa isu bedelay si yaab leh sanadadii danbe oo uu Cilaajku yeeshay sumacad balaadhan taasi oo ay dadku dhinaca kasta kaga soo jabeen ugana yimaadeen ilaa ay gaadhay markii danbe 2000 qol dhamaadkii qarnigii 19aad. Tirada kordhaysay ee bukaanada ayaa xaaladda xumaysay taasi oo keentay in maamulka Cilaajkani uu shaqada qoro dad badan oo aan aqoon u lahayn hawlaha daryeelka bukaanada waxaana hoos u dhacay heerka ilaalinta iyo ka warhaynta bukaanda. Waxa kale oo xaruntan Cilaajka ah lagala kulmay qalafsanaan ka baxsan adminimada taasi oo saamaysay dadkii waday iyo bukaanada.
Mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee keenaysay korodhka tirada bukaanada waxay ahayd iyadoon aqoon cilmi ah oo ku filan loo lahayn xanuunada maskaxda xidhiidhka la leh. Bukaanada qaarkood waxay qabeen xanuuno kale sida suuxdinta, iyo kuwo waxyeelo jinsi ah loo geystay ama caado ka dhigtay mukhaadaraadka.
Xataa xanuunada feedhaha (TB) iyo xaalado kale oo badan oo waalida ah aya la keeni jiray. Waxa kale oo aad loo keeni kuwa caadaystay dhaqanada xunxun iyo daawashada cawrooyinka dadka. Iyadoon aan la fahami Karin daawaynta xanuunadaasi.  Bukaha waxa loo samayn jiray in lagu rido biyo qabow ama lagu qabto koronto mararka qaarna waxay siin jireen daroogo si ay ugu taliyaan oo amaradooda u qaato.    Weli waxa jira dad bukaanka qaba xanuunada nafsaaniga ah ula dhaqma si ka baxsan farsamooyinka caafimaad kuwaasi oo bukaanka garaaca, ama koronto ku qabta ama biyo badan oo aanu jidhkiisu u baahnayn cabsiiya. Waxa kale oo ay siiyaan dhir aan cilmi ahaan loo qiyaasin xadiga bukuhu uga baahan yahay iyadoo la qiyaasayo da’diisa iyo miisaankiisa.

Leave a Reply