Hawl-galkii Ugu Balaadhnaa Oo Waddo Bannayn Ah Oo Laga Fuliyay Degmadda Axmed Dhagax

0
292

Hargaysa (Dawan)- Degmadda Axmed Dhagax  ee magaalada Hargaysa ayaa bilawday hawl-gal ballaadhan oo lagu bannaynayo  jidad cusub, isla markkaana lagu nadiifinayo jidadkii hore ee dhex mari jiray xaafadaha degmadaasi oo dhirta Garan-waaga ahi hareeraha kaga soo durkeen.
Hawlgalkan oo dhawr maalmood ka socon doona degmada Axmed Dhagax ayaa ka mid ah qorshayaal ay dawlada Hoose ka waddo guud ahaan magaalada Hargeysa, waxaana si weyn u soo dhaweeyey hawl galkan dadwaynaha ku dhaqan degmada Axmed Dhagax, waxaanay sheegay in halgalkan jidad bannaynta ahi uu yahay mid ay aad ugu baahnaayeen isla markaana ay in muddo ah tabayeen.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee degmada Axmed Dhagax, Mr. Axmed Maxamed Faarax ayaa faah-faahin ka bixiyay hal-galkaasi iyo ujeedooyinkiisa,waxaanu yidhi “Horta marka hore annaga oo fulinayna amarka masuuliyiinta dawladda hoose, gaar ahaan guddida fulinta dawladda hoose ee Hargaysa, ayaa waxaanu ku jirnay muddo siddeed maalmood ah hawl-gal waddo banayn ah, hawl-galkaasi oo ka socda degmada Axmed Dhagax, gaar ahaan xaafadaha Siinnay, Half London iyo Badhka.”
“Goobtan imika aynu joogno ee aynu bannaynayno oo ah tii shan iyo tobonaad oo dadwaynaha iyo ummaduba ay ogaayeen sidii ay u xidhnaayeeyd iyadoo aan laga shaqayn muddo soddon sanno ah, imikana ay suurto gal tahay in ubadka iyo dumarka iyo maatiduba ay maraan, gaadiidkana hadalkooda daa ba.”
“Waxaan dadweynaha halkan u marinaynaa kalmad aad u muhiima taas oo ah Cashuurta, cashuurtu waa halbawlaha dalka markaa in dadwaynaha degan degmadda Axmed-dhagax ay si munaasib ah oo waddaniyad leh  u bixiyaan cashuurta si wadooyinka iyo dhismayaasha iyo wax walba innoogu hagaagaan. Waayo cashuurta haddii aan la bixin waxqabadka iyo mashaariicdu way xadidnaanayaan,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee degmadda Axmed Dhagax.
 
Waxa isna dhankiisa ka hadlay madaxa qorshaynta degmada Axmed Dhagax Cabdilaahi Yuusuf waxaanu sheegay in hawl-galkani yahay qorshayaal ay dawlada hoose ee Hargaysa ay waddo, isla markaan ay ku bannaynayso jiddadka degmada Axmed Dhagax. “Hawlgalkani waa mid waddo bannayn ah aanu ka bannaynayno tiinka iyo garan-waaga iyo dhagaxaanta ku xidhan, markaa shaqadan aad arkaysaan waa waddadii shan iyo tobanaad ee aanu ka bannayno, halkana waxa ay ahayd markii hore meel bahal galeen ah oo aan bini’aadamku mari karayn, maanta  waad arakaysaan sida ay hayweeyga u tahay, markaa  waxaanu  dadweynaha u sheegaynaa in illaa toddobo maalmood  oo dambe waanu ku jirayaan cagafyadu degmada, xaafadan Siineey iyada waxa u haydhay labo maalmood oo dambe, markaa inta aanu ku jirno xaafada iyo dhammaan degmadaba waxaanu ka codnaynaa in ay u diyaar garoobaan oo ay baneeyaan waddooyinka.”
 
Gobo-gabadii waxa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah dadwaynaha degmada Axmed Dhagax oo iyana u mahad celiyey Maayarka iyo maamulka degmada Axmed Dhagax, iyaga oo ku ammaanay sida wacan ee ay u fuliyeen hawshan, waxaana ay yidhaahdeen “Qorshahan Maayarka caasimada, gudida fulinta iyo maamulkooda xaafadda ay ka wadaan degmooyinka magaalada Hargaysa gaar ahaan degmada Axmed Dhagax ee xaafada, Goobtan waad arkaysaan ee cagaftu  ku jirto oo maamulku joogaan markaa aad baanu ugu mahad naqaynaa arrintaas wanaagsan ee ay hayaan, markii hore meel xidhan bay ahayd, wax mari karaa may jirin, booyaduhu meel ay maraan  may  jirin, tiin iyo ciin baa ka buuxay maanta waad arkaysaan markaa aad baanu ugu mahad naqaynaa masuuliyiinta degmadda ee hawl-galkan fulinaya,”ayay yidhi mid ka mid ah odayaasha xaafadaha hawl-galkaa laga fuliyay ku dhaqani.

By: Cabdi M.Safwaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply