Addis-ababa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa la kulmay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mvuyelwa Mbeki ahna gudida sare ee xalinta khilaafaadka dalka koonfurta Suudaan.
Kulankan ayaa madaxweyne ku xigeenka waxa ku wehelinayay masuuliyiin uu ka mid ahaayeen Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mvuyelwa Mbeki, ayaa waxa uu ka waramay sida Somaliland iyo koonfur Afrika guul uga gaadheen khilaafaadkii ay soo mareen waxaana uu sheegay in xiligan loo baahan yahay in khibrrada ay u leeyihiin xalinta ka hawl-galaan furdaaminta iyo wax ka qabashada qalalaasaha colaadeed ee xiligan ka taagan dalka koonfurta Suudaan.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa Thabo Mvuyelwa Mbeki iyo guddida uu ku jiro ee xalinta khilaafaadka Koonfurta Suudaan u rajeeyay in guul ka gaadhaan arrintaas.
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis isna tibaaxay in la gaadhay xiligii beesha caalamka ka markhaati kici lahayd guusha Somaliland gaadhay iyo ictiraaf beesha caalamku siiso Somaliland.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office