Nairobi (Dawan): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo lixdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Kenya, ayaa kulamo uu la yeeshay Ha’yadaha Samo-falka ee fadhigoodu yahay Nairobi ka dalbaday inay dhaqaale siiyaan aqalka Wakiiladda oo uu sheegay inay miisaaniyadda uu ku shaqeeyaa aad u yar tahay.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin natiijada kulamadaasi ka soo baxay, hase yeeshee waxa ilo wareedyo looga qaateen ahi DAWAN u xaqiijiyeen in guddoomiye Cirro uu la kulmay dhawr Ha’yadood oo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen midowga Yurub, ururka baarlamaanadda Midowga Yurub iyo Afrika European Parliamentarians with Africa (AWEPA) iyo Ha’yado kale oo aan la magac-dhabin. Waxaanu ula tegtay qorsheyaal uu doonayo inuu dhaqaale ugu sameeyo xisbigiisa WADDANI oo uu ku wado kharash laga garroocay Miisaaniyadda aqalka Wakiiladda.
Guddoomiyaha golaha Wakiiladdu waxa uu ka cowday in miisaaniyaddu ku yar tahay, iyadoo sannadkan 2015-ka golaha loo asteeyay miisaaniyaddii ugu badnayd. Taasi oo dhammayd 18,727,824,320/= Sl Sh.
Halka ay sannadkii hore 2014-kiina golaha ay u qornayd miisaaniyad qadarkeedu ahaa 6,555,058,600/=SL Sh. farqiga u dhaxeeya miisaaniyadii golaha Wakiiladda ee 2014-kii iyo sannadkan 2015-ka waxay dhan tahay 12,172,765,720/SL Sh.
Xubno ka tirsan golaha oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in miisaaniyadda Wakiiladdu ay tahay sannadkii miisaaniyadda ugu badan goluhu yeesho isla markaana aanay jirin baahi Ha’yadaha caalamiga ah looga baryo dhaqaale.
Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa la soo weriyay in ka badan 50% kharashaadka uu ku socdo laga gacan togaaleeyo miisaaniyadda golaha, maadaama oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu gacanta ku haysto saxeexa iyo Tasarufaadka miisaaniyadaba.
Dawannews Hargeysa office