“Nin Madaxtinimo Doonaya Oo Colaad Tabcay, Cidi Hadhow Dooran Mayso”Xaaji C/waraabe

0
294

Hargeysa (Dawan):  Xaaji Cabdikariin Xuseen  (Cabdi Waraabe),  ayaa axsaabta mucaaridka ah ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dhilainyaradda  kooxaha isku disha ee xaafadaha caasimadda Hargaysa. Waxaanu sheegay  in madaxda  mucaaridka oo doonaya in ay dalka iyo dadka hogaamiyaan hadana ay bulshadii ka dhex wadaan  in ay kala xigtaystaan.
Wuxuuna Xaaji C/waraabe  tilmaamay in aanay  masuuliyiinta xisbiyadda mucaaridku kala xigtaysan bulshadda, haddii ay sidaasi ku sii  socdaana aanay hadhow cidi dooranaynin.  Sidoo kale Wuxuu   bulshadda  u  soo  jeediyay  talooyin dhaxal gal ah, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto dhalinyaradda xaafadaha caasimadda  dhibaato ku haya bulshadda.
 
Xaaji Cabdi waraabe waxa uu arrimahaas iyo kuwa kaleba kaga hadlay dood ay xildhibaanada golaha guurtidu ka yeesheen xaalada nabadgelyada dalka fadhigii shalay ee golahaas oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka kawaad ahana ku simaha gudoomiyaha Md. Siciid Jaamac Cali.
“Nin madaxnimo doonaya oo hadana dab shidayaa waa cajiib, haddii uu wixiiba baabiinaayo xagee buu kursiga ka doonayaa.Waxaan leeyahay siyaasiyiintu yay dadka kala xigtaysan.  Dhamaan  bushada madax bay u yihiin ama madaxnimay ka doonayaan, nin madaxnimo doonaya oo colaad tabcay isagaa iska saaray meesha cidi hadhow dooran mayso” ayuu yidhi Xaaji C/kariin.
 
Xildhibaan Xaaji Cbadi Waraabe oo ka hadlayay si looga baxo dhibaatada dhalinyarada kooxo-kooxaha isku disha  waxa uu   yidhi “Sida wax looga qabanaayo dhalinyarada habeenkii wareegaysa ee dadka dhibaysa, bilayska tuur-tuuraysa. Waxaan soo jeedinayaa in marka ugu horaysa bilayska la xoogeeyo oo lala shaqeeyo qodkastaana gacan ha siiyo booliska. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in wax laga qabto dhalinyarada kooxo-kooxaha isku raacda ee loo taagla yahay, waa in meel lagu xareeyo oo lagu dhaqaaleeyo markay halkaa bilo ku jiraan ee la baro xirfado kala la baro iyagoo raga ayay soo bixi.”
 
 
Dhinaca kale xaaji C/waraabe waxa uu amaanay doorka culimadda dalka, isla markaana ay  markastaba ku hawlan yihiin  sidda ay bulshadda waxa wanaagsan ugu sheegayaan.  Waxaanu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay cililada oo uu sheegay in ay waajib koodii ka soo baxeen.
 
Waxaanu  yidhi  “Culimada diintu xilkoodii si fiican bay uga soo baxeen, markasta bulshadii bay wax u sheegayaan oo wanaaga farayaan alle ha barakeeyee waan bogaadinayaa. Haweenkeenu kuwa dibada jooga iyo kuwa dalka joogaaba mudakar bay noqdeen oo waxay ka qayb qaataan dhinacyada horumarinta bulshada sida amaanka, caafimaadka iyo waxbarashada. Haddii aynu nahay Guurtida iyo wakiilada waxa inala gudboon in aynu wacyigelinta  badinaa oo socdaalo ugu kala baxnaa guud ahaan dalka”.
 
Sidoo kale Axmed Muue Obsiiye oo isna arrimaha nabadgelyada ka hadlayay  ayaa   halkaasi  waxaanu yidhi   “Nabadda dadkaa u baahan.  Haddii  kii u baabnaa uu ku ciyaaro dhibteeday leedahay. Waxaan leeyahay dhalinyarada kooxo-kooxaha isku disha ha la mariyo sharciga dalka u yaala. Waxaan soo jeedinayaa in laysku duubnaado oo bileyska lala shaqeeyo.

By: Jamaal C/raxmaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply