Shiinaha: Koox Aaminsan In Kaadidu Dawo Tahay!

0
304

Dalka Shiinaha waxa jira Jimciyado si adag oo  mucjiso ah u aaminsan in cabitaanka kaadidu uu dawo ka yahay cuduro badan. Kooxdan ayaa ku kulma xafiiskooda iyagoo halkaasi isugu keena kaadidooda ka dibna ku cabba.
Jimciyaddan aaminsan fikradan ayaa la sameeyay sanadki 2008, waana mid aanay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi diiwaan gelin oo aanay ictiraafin laakiin wakhtigan waxa ku jira dad gaadhaya 1000 qof.
Waxay kooxdani aaminsan tahay in cabitaanka kaadidu uu cimriga qofka dheereeyo, caafimaadka hagaajiyo , xataa waxay aaminsan yihiin inay dawo u tahay xanuunka Kansarka.
Odayga jimciyadan madaxa u ahaa tan iyo sanadkii  2010 oo lagu  magacaabo Ba Ya Fu da’diisuna tahay 79 sano ayaa sheegay in fikradda ah in kaadidu dawo tahay ay ka timi qoys u dhashay dalka Hong Kong oo sheegay inay ku daweeyeen aabahood oo bukay. Waxaana uu intaasi ku daray in marka ugu horaysa ay dhib ku noqoto qofka laakiin marka danbe uu la qabsado cabitaanka kaadida. Waxaan u yidhi anigu  wakhtigan waxaan caba 300 ml maalin kasta.  ( Wargeyska Kulyom 23/08/2015)
 

Leave a Reply