Shir-gudoonka Iyo Xildhibaanada Awdal Oo Ka Heshiiyay Khilaafkii Ka Dhashay Xeerka Doorashadda Wakiiladda

0
333

Hargeysa (Dawan): Shir-gudoonka golaha Wakiilada iyo xildhibaanadda ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Selel ayaa sheegay in ay   heshiis is-af-garad ah ka gaadheen qodob ka mid ahaa  xeerka lagu soo dooran doona mudaneyaasha Wakiilada. kaasi ahaa  qodobka ku saabsan saami qaysiga kuraasta ee gobolada dalka, kaas oo ay cabasho ka muujiyeen xildhibaanada ka soo keeda gobolada Awdal iyo Selel. taas oo sababtay in ay fadhiyadii golaha maalmihii la soo dhafay ka maqnaayeen.
Soo af-jarida arrintaas ayaa waxa ka hadlay shirgudoonka golaha Wakiiladda waxaanay sheegeen in ay tahay  guul u soo hoyatay guud ahaan Somaliland. sidaasina waxay ka sheegeen fadhigii shalay ee golahaasi.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi  Baashe Maxamed Faarax isagoo sharaxaya heshiiskan la gaadhay waxa uu yidhi “Waxaa jirtay in xildhibaannada Awdal iyo Salal golaha ka maqnaayeen, sababta ay uga maqnaayeena waxay ahayd xeerkii doorashada golaha wakiillada oo saami qaybsigu ugu weynaa. Shir guddoonka iyo xildhibaannada wada hadalo ayaa u socday. xeerkiina  waa laga saaray golaha, waxaa loo dhiibay guddi oo xeer cusub oo doorashada lagu galo ayaa la soo samaynayaa, waxa ugu weyni waa saami qaybsiga, saami qaybsigana golahani talo kama gaadhi karo, markaa talo qaran ayuu baahan yahay, waxaa loo gudbinayaa goleyaasha, madaxweynaha, xisbiyada, gobolada Awdal iyo Salalna wixii dhacay waanu ka xunnahay.”
 
 
Dhinaca xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle. “Anagoo muhiimada siinayna danta qaranka Xeerkani waa xeer u baahan in talo qaran laga galo oo ay xukumadu qayb ka noqt, oo xisbiyadu qayb ka noqoto. Saami qaysi lagu wada qanacsan yahay ay halkaasi ka soo baxdo. Xeerkani waxa uu ahaa xeer ay maxakamadi laashay, go’aankaas maxakamadu waxa uu odhanaayay hal mar baa doorasho lagu gali karaa. Ishaa’allaahu nuxurku waxa uu ku soo dhamaan doonaa iyadoo layskaga raali yahay.” Ayuu yidhi xildhibaanku mar uu ka sharaxaad ka bxinaayay xeerkan heshiiska laga gaadhay.
 
 
 
Guddoomiye ku- xigeenka 2-aad Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa isna sheegay in xeerkan  loo baahan yahay in laga yeesho talo qaran maadaama oo gobolo badani ka cabanayaan saamiga uu xeerkani ka xildhibaanada golaha wakiilada.  isagoo  arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Arrintan saami qaybsigu waa arrin xaasaasi ah, baarlamaankii naga horeeyay wakhti badan bay ka qaadatay, maaha uun tabashadu labadaas gobole gobolada kale qudhoodu way guuxayaan, markaa waxay nala tahay in arrintaas lala qaybsado golaha oo haddii golaha lagu sii daayo waxay noqonaysaa dhibaato weyn.”
 
Muranka xeerkan ayaa waxa uu sababay in xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Salal ay ka soo xaadiri waayaan fadhiyada golaha wakiilada mudo todobaad ah. Xildhibaanadaasi waxay balan qaadeen in ay sidoodii hore uga soo xaadiri doonaan fadhiyada golaha.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply