Thomas Wuxu la Noola Riyaha Isagoo Shabahayay

0
338

Cilmi baadhe Thomas Thwaites ayaa raadinayay nolol fudud isagoo iska dhigay sida Orgiga si wax badan uu uga ogaado nolosha Riyaha ku nool buuralayda ALab ee dalka Swiserland. Thomas wuxu samaystay gacmo iyo lugo sanaaci iyo xataa calool sanaaci oo dooga uu ku gurayay. Qalabkan ayuu ka dalbaday wershad iyadoo qaabkii uu codsaday ugu samaysay sanadkii hore.
Ninkan oo Ingriis ah da’diisuna tahay 34 jir aya muddo saddex maalmood ah buurahaasi ku sugnaa. Thomas ayaa sheegay in maalintii intii uu la socday riyahaasi uu socon jiray Kiiloomitir, laakiin waxa uu sheegay inay dhib ku ahayd inuu koro goobaha ay korayeen Riyahaasi iyo soo degiduba. Thomas ayaa ka qoray buug noloshaasi uu la qaatay Riyahaasi waxaana uu u bixiyay  “ Ninka Rida ah: Maxaan ka faa’iiday Anigoo Banii’aadam ahi”.  Waxaana uu ku sheegay buugga qaabka nolosha Riyaha iyo in aanay riyuhu ka didi jirin  isaga madaama qalabka uu xidhay ay u shabahayeen muuqaalkooda.

Leave a Reply