Golaha Wakiiladda Oo La Horgeeyay Hindise Ay Kaga Baaqsanayaan Inay Khaatumo-xumo Kaga Tagaan Dalka

0
305

Hargeysa (Dawan) – Golaha wakiiladda Somaliland ayaa muddo toban sanno ah oo ay ku fadhiyeen kuraasta waxa markii ugu horraysay shalay la soo hordhigay hindise sharciyeed jidaynaya in xildhibaanku ummada u shaqeeyo muddo siddeed saacadood ah maalin kasta sida dastuurku dhigayo.
Sidaana waxa laga sheegay fadhigii shalay ee Golaha Wakiiladda oo uu shir-gudoominaayay Gudoomiyaha aqalkaas  Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro), waxaana fadhigaas  lagaga dhagaystay guddida joogtada  iyo anshaxa ee Golaha.
Gudoomiyaha guddi hoosaadka joogtada iyo anshaxa Wakiiladda  Md. Ibraahim Mahdi,  waxa uu sheegay in qodobbadan ay ku soo kordhiyeen xeer hoosaadka ay yihiin qaar ay u arkeen in ay muhiimad weyn u leeyihiin shaqada aqalkaa.
“Xildhibaan kasta waxa waajib ku ah in uu soo xaadiro, kana soo qayb galo fadhiyada golaha. Waxaynu arragnaa xildhibaanadu iyagoo jooga magaaladda, fasaxna aan qaadan in ay ka maqnaadaan fadhiyada Golaha. Arrintaas qodobkaas ayaa xaaraan tini-maynaaya,”ayuu yidhi Mr. Buubaa.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Saacadaha shaqada ee golaha wakiiladu waa sideeda iyo badhka subaxnimo ilaa labada iyo badhka  duhurnimo. Fadhigu waxa uu si toos ah  u bilaabmayaa sagaalka subaxnimo maalin kasta.”
Gudoomiyaha guddi hoosaadka joogtadda waxa kale oo uu ka hadlay xeer ciqaabeedka ku xusan qodobbadan ay ku soo kordhiyeen xeer hoosaadka golaha iyo tallaabada laga qaadi doono xildhibaankii fulin waaya, waxaanuu yidhi “Haddii xildhibaanku golaha ka maqnaado maalin fasax la’aan, waa loo diiwaan gelinayaa maqnaashahaas. Haddii xildhibaanku golaha ka maqnaado laba fadhi ama maalmood fasax la’aan shirgudoonka ayaa siinaya digniin. Haddii xildhibaanku iska maqnaado sadex fadhi ama maalmood waxa uu mutaysanayaa digniin qoraal ah. Xildhibaanka maqnaada labaatan kal-fadhi fasax la’aan waxa uu ku waayayaa xilkiisa.”
Sidoo kale xildhibaan Ibraahim Mahdi waxa uu sheegay in ay guddida joogtadu is waafajin ku sameeyeen xeer hoosaadka golaha wakiiladda iyo go’aamadii guurtidu ku xalisay khilaafkii golaha wakiiladda, isagoo arrintaa ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Guddida joogtada ee golaha wakiiladdu waxay is waafajisay go’aankii golaha guurtida ee ku saabsanaa khilaafkii golaha wakiiladda iyo xeer hoosaadkii u dambeeyay ee golaha wakiilada, kaas oo la ansixiyay 17/02/2014-kii.”
Xildhibaanku waxa uu sheegay xeer hoosaadka Golaha  in intiisa kale ay sidiisii hore u daayeen, maadaama oo uu yahay kii ugu habboonaa sadexdii xeer hoosaad ee goluhu yeesho.
Guddida joogtada ah ee golaha wakiilada oo shaqaynaayay intii u dhaxaysay kal-fadhigii 28aad ee dhammaaday iyo kan ay hadda ku guddo jiraan, waxa ay xildhibaanada ka codsadeen in ay ka soo baaraandegaan wax-ka-bedelka iyo kaabistan ay ku soo sameeyeen qodobbo ka mida xeer hoosaadka golaha wakiilada si loo ansixiyo.

B y: Jamaal C/raxmaan Macalin

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply