Kalluunka Oo Ka Hortag Iyo Faa’iido Badan U Leh Aadamaha

0
1118

Shaki kuma jiro inuu kalluunku yahay mid aad faa’iido badan u leh, maxaa yeelay waxa ku badan acid Omega iyo saliida kalluunka oo ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee dhinac maskaxda. Kalluunka laftiisa ayaa usii kala wanagaasan dhinac maskaxada waxa ugu fiican noocyada : Salmon, Saradine, Tuna, Herring, Mackerel iyo Ansjos.
Kalluunka oo laga helo maadada Omega-3 Fatty Acids, ayaa waxay sidoo kale kordhisa
maadada Serotonin oo maskaxda bini’aadamka ku keenta in ay degenaato
markay gaadho, waxaannu noqdaa qofkay maadadan ku badan tahay mid dhinaca fiican ka fikira oo farxad badan, noloshiisuna aad u degan tahay mar kasta.
Daraasad laga sameeyay 6000 oo qof oo rag ah muddo sodon sanno ah waxay iyaduna soo saartay in qofka aan cunin kalluun  uu halis u yahay kansarka ku dhaca qanjidhada, marka loo eego qofka si caadi ah u isticmaala kalluunka noocyadiisa kala duwan.
Cilmi-baadhis laga fuliyey dalka Sweden ayaa daboolka ka qaaday in maadada Selenium oo badana laga helo kalluun waxay dadka u saamaxda inay iska difacaan cudurka kansarka, waxaanay daraasadu sheegtay in ragga aad u quuta kalluunku annu ku dhicin Kansarku, maka loo eego kuwa aan iyagu cunin kalluunka.
Cunitaanka kalluunku waxa uu hoos u dhigaa warwarka.
Waxay warbixinuhu sheegaan in isticmaalka kalluunku uu hoos u dhigo warwarka. Sidoo kale waxa la aaminsan yahay inuu kor u qaado waxlaha ay u baahan tahay shaqada maskaxdu.
Waxa uu ka hortagaa xanuunnada madaxa saameeya.
Bulshada cunta kalluunku waxay ka badbaadaan xanuunnnada ku dhaca madaxa, sida xumadda badan, dhan-jafka iyo dawakhaada.
Waxa uu u Fiican yahay dubka jidhka.
Marka loo eego daraasado badan oo laga sameeyay meelo kala duwan oo caalamka ah kalluunka, gaar ahaan cunitaanka noociisa loo yaqaan salmon waxa uu caawiyaa dubka jidhka bani’aadamka, isla markaana waxa uu ka ilaaliyaa coodh-coodhka.
Noocyada kalluunka ee ugu faa’iidada badan waxa ka mid ah:
Kalluunka Cad, waxaana ku badan macdanaha iyo  barotiinada hoos u dhiga subaga dhiiga.
Saliidda noocyada kalluunka, sida sardines, pilchards, salmon and mackerel, waxay leeyihiin duxda omega-3 oo faa’iido badan leh.
Kalluunka Crab, lobster and mussels waxay la dagaalamaan xanuunka Kansarka.
Sidoo kale, kalluunku wuxuu u leeyahay bani’aadamka nafaqo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin waxa lagu magacaabo Omega-3 oo aynu kor kusoo xusnay aad ugu wanaagsan bini’aadamka yaraysana waxa Soomaalidu u taqaan dhiig karka, in xaydhi xidho xididada, sidoo kale waxay ka hortagtaa inuu wadnuhu istaago iyo graaca wadnaha oo aan caadi ahayn, iyo waxyaabo kale oo fara badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin. Sidoo kale waaxaa ku badan mlaayga noocyada kala gedisan ee vitamin-B oo aad muhiim ugu ah jirka biniaadamka qaybihiisa kala gedisan.
Dhinaca kale waxa ku jira Mercury (meerkuri) oo ah nooc ka mid ah biraha culus kaas oo dhibaato ugaysan kara maskaxda koraysa ee canuga uurka ku jira iyo neerfayaashiisaba. Taas keliya maah ee Meerkuri wuxuu sidoo kale dhib u gaysan karaa hoooyada uurka leh.
Haddaba maxaa la gudboon hooyada uurka leh si ay u hesho uguna gudbiso canugeeda uurka ku jira nafaqada ku jirta malaayga ? Waxaa haboon inay kaluunka (malaayga) u isticmaasho si kala fog oo aan keenaynin in Meerkurigu aad ugu kordho jirkeeda sidaasna dhib ugu gaysto iyada iyo canugeedaba. Waa in aanu ka badan malaayga ay cunayso hooyadu 170gm (6oz) bishi si ay hooyadu uga badbaado dhib uga yimaada. Ma arkin diraasad ka hadlaysa in cunidda malaaygu ilmaha soo rido.
 
 
 

Leave a Reply