Maraykanka: Magaalo Camiran Oo Laga Guuray

0
407

Magaalada New Orleans ee dalka Maraykanka ayaa gebi ahaanba aan wakhtigan wax dad ahi deganayn. Magaaladan oo ay ku yaalaan Isbitaaladii, Dugsiyadii iyo guryihii dadkii deganaa waa cidlo aan qofna ku noolayn wakhtigan.
Magaaladan ayaa laga qaxay sanadkii 2005 markii ay halkaasi ka dhacday duufaankii Katariina, kaasi oo dilay dad gaadhaya 2 kun qof oo  magaaladaasi ku noolaa.
Sawir  qaade Luwies ayaa muuqaalka sawirkeeda murugada leh soo bandhigay. Dadka magaalada degenaa ayaa la sheegay inay ahyeen dad asalkoodu uu  ka soo jeedo qaaradda Afrika. Dadkaasi ayaa wakhtigan degay goobo kale oo ka mid ah dalkaasi. Dhismayaasha magaalada ayay intooda badan ka soo gaadhay waxyeelo duufaankaasi Katarena.

Leave a Reply