Madaxweynaha Oo Kulan Xog-waraysi ah La Yeeshay Guddida Cadaalladda

0
298

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan dardaaran iyo Xog-waraysi ah la yeeshay  garsooreyaasha Maxkamadda sare iyo  guddida caddaaladda dalka, waxaana kulankaasi la iskula qaatay dhawr arrimood oo ka turjumaha baahiyaadka arrimaha  caddaaladeed oo ah udub dhexaadka  qaranka iyo bulshaddaba.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji  Cali Axmed, ayaa kulankaasi ka dib faah-faahin ka bixiyay ujeedada kulankii ay la yeesheen   Madaxweynaha iyo guddida caddaalada Somaliland, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu ka balan-qaaday inuu ka taageeri doono waxyaabaha ay uga baahadaan, isla markaana la isla qaatay qodobbo kale oo ay ka mid yihiin xoojinta caddaalada iyo garsoorka dalka.
“Halkan maanta (shalay) waxaanu kula kulanay Madaxweynaha Somaliland  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  iyo Madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, waxaanu qaabilay garsoorayaasha Maxkamadda sare iyo xubnihii guddida cadaaladda, markaa wuxuu kala hadlay dardargelinta cadaaladda iyo sidii arrimaha garsoorka xooga loo saari lahaa,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
 
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, waxa kale oo uu intaa ku daray “Runtii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  Siilaanyo wuu dhiirigeliyay Garsoorayaasha maxkamada sare iyo xubnaha guddida caddaalada, waxaanu u balanqaaday wixii baahiyahooda ah inuu wax kala qaban doono.”
Guddoomiyaha Maxkamadda sarre waxa uu intaas ku daray “Waxa kale oo iyaguna joogay xubno kale oo kala ah Wasiirka cadaaladda, Wasiirka warfaafinta, Wasiirul dawlaha Madaxtooyadda iyo madax kale, guddida cadaalada iyo garsoorka oo aan hoggaaminayay aniga ayaa Madaxweynaha la kulmay, markaa annaguna aad baanu ugu faraxsan nahay waanan soo dhaweynay, balan-qaad buu sameeyay, tallooyin, dhiirigelin iyo tusaaliooyina wuu u soo jeediyay oo ah inay hawsha dardargeliyaan. Markaa kulan fiican buu ahaa oo aad u qiimo badan, waxna ka tari doona xaga cadaaladda.” Ayuu yidhi Garyaqaan Aadan X.  Cali
Kulankan Madaxwenuhu la yeeshay garsooreyaasha Maxkamadda sare iyo guddida cadaalada waxa ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply