Wasiirro Iyo Maayarka Hargeysa Oo Dhagax Dhigay Waddo Laga Dhisayo Xaafadda Xawaadle

0
345

Hargaysa (Dawan): Wasiirrada  maaliyadda iyo madaxtooyadda  Samsam Cabdi Aadan iyo     Xirsi cali Xaaji Xasan iyo maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa  shalay si wada jir  ah u dhagax dhigay Waddo cusub oo laga dhisayo xaafadda Xawaadle ee degmaddda 26-ka June.Jidkan ayaa isku xidhaysa  xaafadda Gol-janno, xawaadle iyo 150, taasi   oo dhererkeedu yahay 2KM waxaa dhismaheedda iska kaashanaya dawladda hoose ee caasimadda iyo dawladda dhexe.

 

Maayarka Hargaysa C/raxmaan Soltelco, oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa  sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan dhisayaan 1KM oo ka mid ah wadadaasi, isagoo xusay in ay muddo ku hawlanaayeen sidii loo bilaabi lahaa dhismaha wadadani.Waxaanu yidhi “Wadadani oo  dhererkeedu yahay 2KM.  dawladda hoose ee caasimadu  waxay dhisaysaa 1KM.   1KM ee kalena waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa labadda wasiir ee madaxtooyadda iyo maaliyadda, oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadadani oo berri (maanta) la bilaabayo. ka dawlad hoose ahaan hawshaasi muddo ayaanu ku jirnay”.

 

Wasiirka madaxtooyadda  oo isna halkaasi ka hadal ka jeediyay ayaa ugu bushaareeyay dhamaanba bulshadda Somaliland gaar ahaana ku degan xaafadda Xawaadle in ay ka go’an tahay sidii ay u dhisi lahaayeen wadadani. Taasi oo uu sheegay in ay ka mdi ahayd qorshihii madaxweyne Siilaanyo. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Bulshadda ku dhaqan xaafadani Xawaadle waxaanu u balan qaadnay in aanu wadadani dhisno, oo aanu wadooyinka caasimadda hagaajino, oo aanu wadooyinak dalka oo dhan hagaajino. Waxaanay ka mid  tahay qorshihii madaxweynaha ee ahaa in wadooyinka dalka dib logu dhiso, taasi oo qayb ka ah horumarinta dalka, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Tan oo keliya ma aha, hase yeeshee wadoyinka kale ee caasimadda waanu ka qayb qaadanaynaa.”

 

 

 

 

Waxaanu intaasi ku daray “Waad la socotaan wadooyinka faraha badan eek a socda goboladda iyo degmooyinka dalka, waxaanay tahay horumarka oo maalinba tallaabo la qaadayo, marka aynu maalinba tallaabo isku kaashanana sidaas ayuu ku dhismayaa dalkeenu. Waana siyaasadii uu madaxweynuhu ku hogaaminayo dalka  iyo balan qaadyadii ahaa in dalka dib loo dhiso,  oo bulshadda horumarka lagu hago, oo horumarka la  isku kaashaddo, oo busho kasta oo meel wada deganiba ay wax iska ururinayso dawladuna ay wax ku biirinayso” ayuu yidhi wasiir Xirsi.

 Sidoo kale Samsam Cabdi Aadan, wasiirka maaliyadda oo iyadna munaasibadda dhagax dhiga ka hadashay ayaa ka warantay muhiimadda ay bulshadda degan xaafadahaasi u leedahay dhismaha wadadani. Waxaanay tidhi  “Wadadani waxay   isku xidhaysaa xaafadaha Gol-janno iyo  xaafadda 150-ka. Waxay ahayd waddo aad u dhibaato badan oo la wadda arkay, qaybo ka mid ah mudadda ay Somaliland jirtayba waxba lagama qaban sida Gol-janno, xaggan Xawaadlena  baabuur weyn maahee baabuur yari in uu marro way ku adag tahay. Iyadoo hadalkeedda sii wadatayna waxa tihdi “ILLAAHAY ayaynu ugu mahad naqaynaa, dawladdan maanta joogtaa waa dawlad u diyaar ah in dalka horumar la gaadhsiiyo, gaar ahaan caasimadda horumar la gaadhsiiyo siiba wadooyinka,  biyaha, caafimaadka, waxbarashadda, dhismeyaasha ay dawladu ku jirto. Haddii aan wadanka la dhisin uma ekaanayno wadan horumar gaadhay.”

Wasiir Samsam, ayaa u soo jeedisay dadka degan xaafadda Xawaadle in ay ilaashadaan wadadani, isla markaana ay  si aad ah uga taxadiraan dhitaabooyinka ka dhalan karaan  baabuurta marka wadadaasi laga dhigo Laamiga. “Dadka degan xaafadani Xawaadle waxaan u soo jeedinayaa waa in aynu ilaashano wadadani. Waxaanaynu ka ilaashanaynaa in uu burbur ku yimaaddo, carruurtana way ka ilaashanayaan, waayo marka ay imika wadadani Laami noqoto, kharkeedana way leedahay, dhibaatadeedana way leedahay, oo baabuur badan oo aan hore u soo mari jirin ayaa soo maraysa. Markaa in Taxadir badan laga yeesho ayaa loo baahan yahay, waxaa loo bahaana yahay  in meelaha dhinacyadda ee ay biyuhu ka marayaan  laga ilaaliyo qashinka” ayay tidhi wasiirka maaliyadda. Sheekh Aadan Siirro oo ka mid ah culimadda xaafadda Xawaadle oo   halkaasi  ka hadlay ayaa tilmamay in wadadani ay muddo dheer sugayeen in la dhiso, isla markaana si dhakhso ah loo bilaabi doono dhismahaeedda. Waxaanu yidhi  “Waxaa maanta (shalay)  la dhagax dhigayaa wadadda badhtamaha xaafadda Xawaadle.  wadadaasi oo in badan la sugayay   in la hirgeliyo. Waxaanan rejaynayaa in si dhakhso ah loo bilaabi doono dhismaheedda. Si dhakhso ahna loo dhamaystiri doono.”

By; Khadar Cabdi Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply