Hargaysa (Dawan): Suldaan Nadiif Saydh Jibriil, oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa ugu baaqay xukuumadda gaar ahaana wasaaradda maaliyadda in la sii daayo kharashka lacageed ee ardayda beelaha la hayb-sooco lagaga bixiyo jaamacadaha.Waxaanu sheegay suldaan Nadiif in ardaydaasi oo sanad walba ay xukuumadda Somaliland ka bixiso lacagta Fee-ga jaamacadaha in sanadkan uu hakad galay, isla markaana in hadda ardaydii beelaha Gabooye ee jaamcadaha geli lahaa sanadkan in laga hor is-taagay.
Suldaan Nadiif, oo shalay qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo soo gaadhsiiyay wargeyska DAWAN, waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ardayda beelaha gabooye lagaga bixyo jaamacadaha oo ku jirtay miisaaniyadda dawladda ee sanadkii 2014-kii waxaanu yidhi “Anigoo ah Suldaan Nadiif Saydh Jibriil, waxaan halkan si sharaf iyo Milgo leh uga codsanayaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi maaliyadda inay si dhakhso ah u sii daayaan ardaydii beesha Gabooye ay xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda maaliyadu ay siisay deeqda waxbarasho, miisaaniyad sanadeedkeedkii 2014. Ardaydaas oo tiradoodu dhan tahay 26 arday. Taas oo aanay weli ilaa hadda sii daynin wasaarada maaliaydu lacagtii, ardaydiina Jaamacadaha laga soo saaray.”
Dhinaca kale suldaanka ayaa eedeeyay xubno uu sheegay in ay isku beel yihiin, kuwaasi oo uu sheegay in ay sabab u yihiin in la joojiyo lacagtaasi jaamacadaha lagaga bixiyo ardayda ka soo jeedda beelaha la hayb-sooco. “Waxa kale oo halkan ka eedaynayaa shaqsiyaad ka mid ah beesha Gabooye oo u sabab ah isla markaana hakad geliyay deeqdii waxbarasho ee ardayda Gabooye la siin lahaa. waxaan leeyahay waar ardaydu waa ubaxii u soo kacayay dalka, gaar ahaan beesha Gabooye. waar waxaan idin leeyahay adeer mustaqbalka dhalinayradda gacantiina ha ku burburinna.
Xukuumadan hadda talladda haysaa, waa xukuumada keliya ee intay Somaliland jirtay waxqabad la taaban karo u qabatay beesha Gabooye gaar ahaan xagga waxbarashada. waxay sanadihii ugu dambeeyay siisay deeqo waxbarasho oo kala duwna waanay ku amaanan tahay xukuumadeena uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed “Siilaanyo”.
Waxaan mar labaad ka codsnayaa inay wasiirka wasaarada maaliayda inay sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo lacagtaa ardayda liiskooda ay soo gudbiyeen Akaademigu. Ardaydaas oo ahayd kuwo ku tiirsan lana mawqif ah xukuumada talada dalka haysa.” Ugu danbayn Suldaan Nadiif ayaa ugu baaqay jaamacadaha dalka dalka inay tixgeliyaan ardayda loogu soo xidho deeqaha waxbarashada sida ardayda Gabooye. “Ugu dambayn waxaan halkan baaq uga dirayaa dhammaan jaamacadaha dalka inay tixgelin gaar ah siiyaan ardayda loogu soo xidho deeqaha waxbarashada sida ardayda Gabooye.”.
Dawannews Hargeysa office