Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in danno gaar ah laga lahaa xeerka doorashadda Golaha Wakiiladda ee muranku ka abuuray saami-qeybsiga isla markaana laga saaray ajandaha kalfadhiga 27aad ee Goluhu ku guddo jiro.
Waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in tallo midaysan laga yeesho samaynta xeerka doorashadda Golaha Wakiiladda iyo saami-qeybsiga kuraasta Wakiiladaba.
Eng. Faysal Cali Waraabe, oo shalay magaaladda Hargaysa ugu waramay warbaahinta ayaa soo jeediyay in aanay haboonayn in wakhtigan la horkeeno Golaha xeer hore ay iskugu khilaafeen Golihii ka horeeyay. “Sannadkii 2005-tii ayaa lagu heshiin waayay Saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiiladda, oo sidaa ay imika uga baxeen xildhibaanadda gobolka Awdal ay uga baxeen. Barigaa Waxaanu ku qancinay, oo saddexdii xisbi ee jiray ay ku qanciyeen in ay ku meel-gaadh noqoto xeerka doorashadda Golaha Wakiiladdu,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayay ajendahaa Wakiiladda la hor keenay, waxa uu yidhi “Waxa socota, maxaa adiga kuu dan ah kuwa geeyayna xeerka doorashada Golaha Wakiiladda dan gaar ah ayay ka lahaayeen, balse kamay ahayn wax hagaaji, oo waa wax horeba golihii kan ka horeeyay ugu heshiin waayay Inay geeyaan Golaha may ahan, waana in arrinta la xaliyo oo in ay iska fadhiyaan ma aha, waa in lagu heshiiyo wixii looga guuri lahaa habkan imika ay wax ku soo dooranayaan haddii ay imika suurto-gal tahayna lagu dhaqaaqo, haddii kalena in xeerka lagu qoro in habkaa looga guuri doono wakhi xaadirkan.”
Dawannews Hargeysa office
Khadar M. Dhako
Home Wararka Dalka Guddoomiyaha UCID Oo Ku Baaqay In Tallo Laga Yeesho Saami-qeybsiga Kuraasida Wakiiladda