Jarmalka oo Isku diyaarinaya Qaxooti Badan

0
293

Ra’iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa booqanaysa xarun qaxooti oo ay gubeen kooxo mayal adag toddobaakii hore dhamaadkiisii.
Waxay ku tilmaantay weerarka dad mudaharaadayay bariga Jarmalka ee magaalada Heidenau wax xun oo ceeb ah.
Masuuliyiinta Jarmalka ayaa wax ka qabanaya weeraro ku soo badanaya xarumaha qaxootiga. Jarmalka ayaa isku diyaarinaya inay soo gaadhaan qiyaastii sanadkan siddeed boqol oo kun oo qof oo qaxooti ah.
Naceybka loo qabo dadka ajnabiga wuxuu ku badan yahay bariga Jarmalka, oo dhaqaale ahaan wali ka danbaysa galbeedka Jarmalka labaatan iyo shan sanno kadib markii ay isku darsameen.
 

Leave a Reply