Turkiga iyo Dagaalka uu kula jiro Kooxda Khilaafada Islaamka

0
306

Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa soo gebagabeeyay heshiis dhigaya in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay ka qeyb qaataan duqeymaha dhanka cirka ah ee xulafada uu Mareykanku horkacayo ku hayaan Kooxda Dowladda Islaamiga.
Turkiga ayaa horay u ogolaaday in labo ka mid ah saldhigyadiisa ciidammada cirka ay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka Mareykanka, oo lagu magacaabo Peter Cook, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay suuragal tahay in maalmaha foodda inagu soo haya ay ka qeyb qaataan howlgallada isbahaysiga ee ka dhanka ah Kooxda Dowladda Islaamiga ah.
Hasayeeshee waxa uu sheegay in ballaadhinta iskaashi ku saabsan arrintan ay tahay mid weli laga shaqeynayo.
Turkiga ayaa horay u ogolaaday in laba ka mid ah saldhigyadiisa ciidammada cirka ay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, waxa uuna horay u qaaday dhowr weerar oo ka dhan ah kooxdaasi balse haatan waxa ay noqon doontaa in uu si rasmi ah ugu biiro xulafada ka dhanka ah Kooxda Dowladda Islaamiga ah.
Bishii la soo dhaafay dowladda Turkiga ayaa waxa ay qaadday duqeymihii ugu horreeyay ee ka dhan ah maleeshiyaadka kooxdani tan iyo markii ay kooxdu bilowday in ay guul ka gaadho dhaqdhaaqa ay ka wado wadammada Ciraaq iyo Suuriya.
Dowladda Turkiga ayaa markii hore u muuqatay mid ka cagajiidayso in ay qaado tallaaba milateri, hasayeeshee go’aankaasi ayey badashay kaddib markii dhowr weerrar oo ka dhacay gudaha Turkiga lagu eedeeyay in ay ka dambeysay Kooxda Dowladda Islaamiga ah.
Washington ayaa heshiiska ay haatan la gashay Turkiga waxa ay u aragtaa inuu yahay tallaaba wanaagsan oo loo qaaday horay marka loo eego dagaalka lagula jiro maleeshiyada Kooxda Dowladda Islaamiga ah.
 

Leave a Reply