Khubarada wadanka Ruushka u qaabilsan dhinaca Raadaarada ayaa ikhtiraacay qalab loogu talo galay inuu hago diyaaradaha kusoo degaaya garoomada dalkaasi Ruushka,iyaga oo sheegay inay dhowaan tijaabin doonaan qalabkaasi.
Qaabaynta iyo habka loo samaynaayo qalabkan ayay khubaradani dejiyeen,iyaga oo sidoo kalena sheegay in uu yaraynaayo kharashkii badnaa eek u bixi jiray diyaaradaha hagistooda,gaar ahaana dhanka dadka,sidoo kalena waxa meesha ka baxaaya dadkii diyaaradahaasi hagaayey.
Qalabkan oo lagu magcaabo My URL-T-2 ayaa ah mid leh qaab cusub,kaas oo lagu hagaayo qalab kale oo ku xidhan aanteeno meel sare la saaraayo,taas oo la soconaysa dhaq dhaqaaqa diyaaradaha kusoo degaaya garoomada wadankaasi.
Dhanka kalena waxa lagu sii xidhayaa qalabkan diyaaradaha laftooda,iyada oo uu si sahlan ula socon karo mar walba qofka Bayloot ah ee diyaarada wadaa,sidoo kalena cida madaarka fadhida ayaa si fudud ula soconaysa diyaarada iyo xiligay soo kacday iyo hadba intay soo jirto.
Waxa laal socon karaa hadba inta ay diyaaradu dhulka u jirto,iyada oo aan u baahnayn wax taleefan ah ,sidoo kalena aan u baahnayn calaamado kael oo u dhexeeya ninka diyaarada wada iyo dadka garoonka jooga ee shaqaalaha ah.
Qalabkan My URL-2ST ayaa la doonayaa in la dhameeyo samayntiisa sannadkan aynu ku jirno,iyada oo lasoo saarayo shaqadana uu bilaabaayo sannadka 2016.
Qalabkan samayntiisa waxa gacanta ku haya shirkad lagu magcaabo Pouliot ,taas oo xaruntooda ugu weyni ay tahay magaalada lagu magcaabo Chelyabinsk.
Home Barnaamijyada Khubarrada Ruushka Oo Soo Saaray Qalab Diyaaradaha Ka Caawinaya Inay Soo Fadhiistaan