Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Dufcadii 14-Aad Ee Ka Qalin-jabisay Jaamacadda Cammuud

0
273

Boorama (Dawan) –  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyay 863 Arday oo ka mid ah dufcadii 14-aad ee ka qalin-jabisay kuliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Cammuud, waxaana ardayadan qalin-jabisay ku jiray hormadii u horaysay ee dhammaysatay waxbarashadda heerka labaad ee Mastarta.
Munaasibad loo qabtay qalin-jabinta Ardaydan waxa ka soo qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka Jaamacadda Cammuud, iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo u diray Ardaydan ka qalin-jabisay Jaamacadda Cammuud, “Jaamacadda Cammuud taariikh weyn iyo ahmiyad bay dalka ku leedahay, waa meeshii waxbarashada, tacliinta, aqoonta iyo horumarka dalka.  INSHA ALLAAH waxaan rajaynayaa inay kuwa kalena ku wada dayan doonaan oo aynu halkaa hore uga sii mari doono, waxaan jeclahay inaan halkan hambalyo aad u balaadhan uga soo jeediyo Ardayada ka qalin-jabisay Jaamacadda Cammuud oo aan ku hambalyeeyo horumarka ay gaadheen iyo waxay qabsadeen, waxaan hambalyaynayaa macalimiinta, madaxda iyo Prof.  Saleebaan Axmed Guuleed iyo inta masuuliyadda qaaday ayaan hambalayo aad u balaadhan u soo jeedinayaa, waxaan leeyahay tacliintu waa muftaaxa nolosha, waa muftaaxa horumarka dalka,” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md.  Axmed Maxamed Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in waxbarashadu ay qabyb ka tahay horumarka bulshada, waxaanu yidhi  “Waxbarasho qofkii waxbarta ayaa horumar ku talaabsan kara, dadkiisa garan kara, horumarin kara oo tacliin, aqoon iyo waxbarasho ku soo kordhin kara. Markaa Waxbarashada aynu ku wada dedaalno, annagu xagayaga waanu ka dedaalaynaa oo waxaanu ka qaban karno waanu ka qabanaynaa, gacan baanu ka geysanaynaa.”
Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed ayaa Ardaydan kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ugu adeegaan dadka iyo dalka, waxaanu yidhi “Saacadaa laga bilaabo waxay Jaamacadda Cammuud idiin aqoonsatay, sifo sharci ah inaad haysataan Diploma Degree-yada iyo Diplomayaasha la xidhiidha takhasuskiina, shahaadaadu sharaf, xuquuq iyo waajibaad bay leedahay.  Wixii xuquuq ah iyo karaamo ee ay leedahay qaranka iyo Ummaddaad ku leedihiin oo Madaxweynuhu wakiil ka yahay, meeshaad joogtaanba waxaad tihiin danjireyaasha Jaamacadda Cammuud, akhlaaqdiina hagaajiya oo Cammuud ha la idinka daawado idinka, waar khayrqabayaashani halkay ka yimaadeen ha la idin yidhaahdo ee yaan la idin odhan inkaar-qabayaashani halkay ka yimaadeen.”
Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog) oo ka mid ahaa Ardayda ka qalin-jabisay  Jaamacadda Cammuud oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Jaamacaddaha magacyada badan ee dibadaha ka jira, ee faana ee la majeerto waxba uma ogin, waxay barteenba waanu baranay. Nin baa  caaqil ahaa oo reer Xariirad ahaa ayaa wuxuu odhan jiray aniga xooga Xariirad Xamar iiga wanaagsan, anigana Jaamacadda Cammuud qaar faanaya iyo kuwa la majeerto nooga wanaagsan.”
Dhinaca kale Wasiirrada waxbarashada, Maaliyada, arrimaha guddaha iyo Badhasaabka gobolka Awdal oo ka mid ahaa masuuliyiintii munaasibadaasi ka hadashay, ayaa hambalyo u diray Ardayadan ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud.
Sidoo kale waxa maamulka sare ee jaamacadda Cammuud ay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) gudoon siiyeen shahaado sharaf ay ku maamuuseen, ka dib markii uu  qalinjabinta shan dufcadood oo xidhiidh ah kala qeyb-galay farxadda ardaydaas.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply