Maxaad Ka Taqaan 10 Hablood Ee Ugu Quruxda Badan Hablah AY Madaxweyneyaasha Afrika Dhaleen ?

0
362

Qormadeena toddobaadkan waxaynu kusoo qaadan doonaa qoraal xiiso badan oo dhowaan lagu shaaciyey tobanka hablood ee ugu quruxda badan hablaha ay dhaleen madaxweyneyaasha qaaradan Afrika,kuwaas oo dhowaan lagu soo saaray qiimayn ay samaysay qaybo warbaahinta caalamka kamid ahi.
Hablahan ayaa kala ahaa kuwo ay dhaleen intooda badan madaxweyneyaasha dictators ka ah ee wadamada Afrika gacanta ku haya,waxaanay u kala qurux badan yihiin sidan hoos ku xusan:-
1: Princess Sikhanyiso Dlamini:inantan kaalinta kowaad ka gashay quruxda hablaha ay dhaleen madaxweyne yaasha qaaradan Afrika ayaa waxa dhalay boqorka  dalkaasi Swaziland oo ah dal la jaara wadanka Koonfur Afrika,waxaana lagu naanaysaa Pashu ,waa Amiirad aad u geesiyad ah lagana yaqaano dalkaasi,waa inanta ugu weyn ee uu dhalay boqorka wadankaasi oo isna lagu magcaabo King Mswati III.
Gabadhan ayaa ka qalin jebisay jaamacadda Sydney University ee wadanka Australia ,waana gabadh sidoo kale jaamacaddaasi ka qaadatay shahaadada Master-ta,iyada oo ku diyaarisay cilmiga isgaadhsiinta ee loo yaqaano Digital Communication-ka.
2: Ange Kagame:inantan waxa dhalay madaxweynaha dalkaasi Rwanda Paul Kagame,waana inantiisa labaad ama curadiisa inanta ku xigta,waana gabadh dheer oo madow,waa gabadh inta badan ka shaqaysa arrimaha bani’aadanimada,iyada oo sidoo kalena ka shaqaysa cidhibtirka gaajada iyo fakhriga.
Gabadhan ayaa inta badan u ololaysa inay dumarku ka qayb qaataan siyaasada,waxa kale oo ay u ololaysaa la dagaalanka xanuunada,jahliga oo la cidhibtiro,taas oo arrimaahasi ka qabata wadankeeda iyo wadamada kale ee qaarada Afrika.
3: Aya al-Sisi:gabadhan waa gabadha kaalinta saddexaad ka gashay quruxda hablaha ay dhaleen madaxweyneyaasha qaarada Africa,waana gabadh uu dhalay madaxweynaha waqtigan ee wadanka Masar,waa gabadh aad u edaab badan waana halka qof ee uu dhalay madaxweynahaasi.
Gabadhan ayaa ah xaas ,waana gabadh tacliinta meel sare ka gaadhey,iyada oo ahayd waqtigii waxbarashada gabadh xariifad ah ,sidoo kalena edaab badan.
4: Malik Bongo Ondimba:gabadhan waxa dhalay madaxweynaha dalkaasi Gabo Ali Bongo Ondimba,waana gabadh inta badan ka shaqaysa arimaha xuquuqal insaanka,waa gabadh mutacalimad ah oo ilaa heer jaamacadeed ka gaadhey tacliinteeda,waana curada madaxweynaha dalkaasi Gabon.
5: Ngina Kenyatta:gabadhan gashay kaalinta shanaad waxa dhalay madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhuru Kenyatta ,waxaana lagu naanaysaa Mama Ngina Kenyatta ,waxa magacan u bixisay ayeydeed hooyo,iyada oo waqtigay dhalatay u bixisay.
Gabadhan ayaa gebi ahaanba waxbarashadeeda sare ku qaadatay wadanka gudihiisa,iyada oo sidoo kalena ka qabatay arrimo badan oo shaqo,gaar ahaan dhinaca xuquuqda aadamaha oo ay aad uga shaqayso.
Lasoco…………………………………………………………………………………………………………………………………………….
 

Leave a Reply