Nin u dhashay dalka Shiinaha ayaa madaarka magaalada Edinburgh ee dalka Ingriiska khalkhal ku riday. Ninkan ayaa qalabka baadhida madaarku muujiyay markii shandadiiisu maraysay inay ku jirto qunbulada gacanta shandada ninkaasi.
Ciidanka amniga ayaa markiiba loo yeedhay si ay ninkan u qabtaan isla markaana uga badbaadiyaan dadka in qunbuladu geysato dhibaato.
Ninkan oo lagu magacaabo Jimi Hu ayaa isla markiiba booliisku qabteen. Jimi Hu ayaa booliiska u sheegay in aanu sidan qunbulad ee uu sito cadar u eeg muuqaalka qunbulada gacanta. Isla markii ninkani uu ka soo saaray shandadiisa cadarkaasi ayay noqotay arrin yaab leh oo ku cusub madaarka. Jimi Hu oo ku socday London ayaa loo ogolaaday inuu sii wato safarkiisa.