Waxa dhowaan shirkad Maraykan ahi soo saartay garan cusub oo lagu magcaabo Intelligent Polo,kaas oo loo sameeyey hab cusub oo aan hore loo soo saarin,waxaanay sheegeen masuuliyiinta shirkadii soo sartay inuu shaadhkani la socon doono caafimaadka hadba qofka xidhan.
Shirkaddan ayaa hadda samaysay qaabkii loo samayn lahaa shaadhadhkan ama garamadan,iyada oo la rajaynaayo in muddo laba sanno gudohood ah lagu soo saaro,sida uu sheegay David Lauren oo ah wiilka uu dhalay ninka lagu magcaabo Ralph Lauren oo ah nin aad uga ganacsada samaynta garamada ,sidoo kalena qaababkooda sameeya.
David ayaa sheegay in ay doonayaan inay qaybo kamid ah garankaasi ku xidhaan waxyaalo Technology ah,kuwaas oo ah kuwa sahlaaya in lala socdo caafimaadka qofka xidhan garankan.
Garankan ayaa aad ugu fiican siday masuuliyiintaasi sheegeen dadka ciyaartoyda ah iyo kuwa jimicsiga ciyaara,isaga oo mar walba la soconaaya heer kulka jidhka qofkaasi,waxaanu ka samaysnaan doonaa garankani waxyaalo suuf ah ama cudbi ah.
Lorient ayaa sheegay in ay ku samayn doonaan garankan waxyaalo yar yar oo sida Silver ta u samaysan,kaas oo lagaga xidhi doona laabta,waxaanu si fiican halkaasi ugala socon doonaa noofta qofka iyo sidoo kalena garaaca wadnaha,kaas oo si fudud loola socon karo hadba sida uu caafimaadka qofku yahay.
Kooxdan ayaa sheegay in ay si fudud khubarada caafimaadku ula socon karaan qofkaasi caafimaadkiisa haddii uu garankan isticmaalo,sidoo kalena ay sahlan tahay in uu isaga laftiisu la socdo hadba xaalada uu ku sugan yahay.
Garankan ayay sheegeen inuu dhowaan suuqa soo geli doono,iyaga oo intaasi ku daray in uu noqon doono mid jaban oo lagu bilaabo lacag dhan $295 Dollar.