Qorilugud(Dawan): Shir maalmihii u danbeeyay uga socday beelaha degga Caynaba iyo degmada Qorilugud ayaa shalay la soo gabagabeeyay. Shirkaasi oo ay labadaasi beeelood kaga arrin sanayeen horumarinta degaanka iyo nabad kuwada noolaanshaha. Shirkaasi oo socday muddo todobaad ah waxaa ka qayb qaadanayay madax-dhaqameed badan oo kala socday beelaha Qori-lugud iyo Caynaba, oo isugu jiray salaadiin, cuqaal, wax-garad iyo oday dhaqameed. Waxaana xidhitaankii shirkaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada madaxtooyadda, duulista iyo hawadda, wasiir ku-xigeenka kalluumaysiga. guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye, maayarka Burco iyo xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka.
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qurbo joogta degaankaasi ayaa waxa laga soo saaray go’aamo la xidhiidha ilaalinta nabadgeliyadda iyo sidii loo horumarin lahaa degaamadaasi. Iyadoo ay go’aamadaasi si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiintii ka socday xukuumadda Somaliland ee shirkaasi ka qayb galay.
Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan, oo hadal ka jeediyay munaasibadii xidhitaanka shirkaasi ayaa bulshadda ku dhaqan degaankaasi uga mahad celiyey shirkan ay kaga arrinsanayeen horumarinta iyo nabad ku wada noolaanshaha.
Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kale oo uu sheegay in ay xukuumadu degaankaasi ka fulisay mashaariic tiro badan, oo isugu jira dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo kuwo kale. Waxaanu yidhi “Markii u dambaysay halkan toddobo mashruuc ayaanu ka bilawnay oo markii dambena uu madaxwaynuhu furay. Mashaariicdaasi oo horumar ah, oo degaanka lagu horumarinayo, oo waxbarasho leh, oo caafimaad leh, oo maamulkii degaanka leh, intaasiba waxaa loo sameeyey si uu degaanka horumar u gaadho”.
“Dawladu dacal walba waxay isku deyaysay in degaankan ay nabad ka is-laaxiso, oo ay cagaha u taagto, iskuna daydo in aanu ka hadhin qaranka ee uu nabad galyo noqdo. Intaa waa la isku deyay haddii dadka degaankuna maanta soo agaasimeen shirkan, oo ay ajiibayn, oo ku tabceen oo shirkan qabteen aad iyo aad baan ugu hambalyeenayaa guud ahaanba iyo dawlad ahaanba. iskuna garab taagaynaa ” ayuu yidhi wasiir Xirsi.
Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in go’aamadda ka soo baxay shirkaasi iyo qabashadda shirkaasiba uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo bulshadda degaankaasi iyo qaranka Somaliland. , maadaama lagaga hadlayey horumarinta iyo nabad galiyada.
Wasiirka Xaashi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aad baan ugu farax sanahay shirkan lagaga hadlayey nabad galyadda. Midnimada dhexdooda, xoojinta iyo wixii la mid ah. Waxaan leeyahay hambalyo, runtii go’aamadda ka soo baxay waxay ahaayeen go’aamo aad u meel mar ah, markaa aad baanu u soo dhaweenaynaa.”
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo haldoorkii kale ee ka qayb galay shirkaasi oo isugu jiray madax dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa ku nuux nuuxsaday faa’iidada nabad galyadu u leedahay guud ahaan aadamaha. Waxaanay kula dar-daarmeen bulshadda degaankaasi in meel looga soo wada jeesto ilaalinta iyo adkaynta nabadgeliyadda. sidoo kale waxay fareen in loo midoobo horumarinta degaanka iyo ta Somaliland.
By:Cabdi M.safwaan
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Shir Lagaga Hadlayay Nabad-gelyadda Iyo Horumarka Oo Lagu Soo Gabo-gabeeyay Qori-lugud