Shirkadaha Jaadka Oo Dalka Soo Geliyay Boco Sharci Darro Ah oo Ka Hor Imanaysa Go’aankii Lagu Tirtirayay Bacaha

0
296

Hargeysa(Dawan):- Waxa dalka gabaabsi ku noqday oo gabi ahaanba ku dhow in la waayo  noocyadda bacaha yar-yar ee wax lagu ridan jiray, ka dib markii ay  dhammaadeen 120-kii maalmood ee Madaxweynaha Somaliland uu ku caddeeyay digreetadii uu wadanka kaga mamnuucay isticmaalka bacaha iyo soo dejintoodaba.
Go’aankaasi oo dadweynuhu ku diirsadeen ayaa waxa joogsaday bacihii ganacsatadu ka soo waaridi jirtay dalka dibadiisa, iyadoo ha’yadaha u xil-saaran arrintaasina ay dedaal weyn u galeen sidii loo suulin lahaa bacaha oo dhibaato halisteeda leh ku haysta deegaanka dabiiciga ah ee gobollada Somaliland.
Hase yeeshee waxa go’aanka qaranku kula dagaalamayo bacaha, doc faruuray shirkadaha qaadka oo baco ay ka keeneen Itoobiya soo raaciyay jaadka ay wadanka soo geliyaan, waxaana laga dareemay suuqyadda jaadka lagu iibiyo ee magaalooyinka waaweyn.
“Waxa runtii loo baahan yahay in Ha’yadaha dawladu ay isku xidhnaadaan isla markaana si buuxda u dhaqan geliyaan qaraarka madaxweynaha ee lagula dagaalamayo bacaha, waxaan uga jeedaa waxa maalmihii u dambeeyay suuqyadda soo galay baco ay keeneen shirkadaha jaadku, kuwaasi oo u baahan in tallaabo laga qaado,”ayuu yidhi Ibraahim Caydiid Cabdi, oo u waramay weriye ka tirsan DAWAN.
Ibraahim waxa uu ku baaqay in xukuumaddu ay qaado tallaabo kasta oo xaqiijinaysa in dalka laga tirtiro bacda oo uu xusay inay naafeysay bad-qabka deegaanka isla markaana ay halis caafimaad ku hayso xoolaha nool oo ah baasiinka jamhuuriyadda Somaliland.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply