Mac-hadka Aasaarta qadiimiga ee ku yaalla magaalada Crow Canyon ee dalka Maraykanka ayaa dadka dalxiisayaasha ay booqdaan muddo 7 ilaa 10 maalmood ah. Mac-hadka ayaa dadkaasi bara goobaha qadiimka ah ee dalkaasi.
Waxaana uu dejiyaa dadkaasi mudda ay halkaasi joogaan guryo buulal cariish ah oo loo dhisay qaabkii ay u dhisan jieen dadku wakhtiyadii qadiimka ah.
Waxa kale oo uu kayd u hayaa muuqaalo dadkaasi hore ah iyo qaabkii ay u dagaalami jireen ama u noolaayeen. Waxaana Mac-hadkan marka la booqanayo lagu sheegaa inuu yahay dunida qadiimka ah.