Si go’aanada muhiimka ah ee taabanaya noloshooda ay u gaadhaan waxay isugu yimaaddaan geedka go’aanada oo ku yaalla tuulada ugu caansan ee ay ku nool yihiin dumar keliya. Tuuladan ayay mamnuuc ka yihiin raggu inay galaan , waxaana la asaasay 25 sano ka hor sida ay ku soo tebisay weriya ka tirsan wargeyska Guardian ee Ingiriiska qisada tuulada ugu yaabka , sida laga soo xigtay Arab.net.
Qisada tuuladan oo ay 15 dumar ahi ka asaaseen dalka Kiiniya ayaa noqotay tuulada keliya ee dumar u gaar ah ee laga sameeyay Afrika.
Waxaana ay u bixiyeen magaca Awmowja, kaasi oo macnihiisu yahay luqada sawaaxiliga Midnimo.
Tuuladan ayaa 350 km dhinaca galbeed ka xigta caasimadda Nayroobi. Wakhtigan waxa jooga 47 dumar ah iyo 200 caruur ah iyo nin keliya. Tuuladan waxa curisay Najusi Lukimawi , ka dib markii ay ka baxsatay tuuladeedii horaantiii sagaashanaadkii qarnigii tegay, ka dib markii ay xad gudub dhinaca jinsiga ah ku sameeyeen 3 askari oo Ingriis ah oo ka tirsnaa ciidanka QM, iyadoo Riyo iyo Adhi uu lahaa ninkeedu la joogta.
Waxayna sheegtay in arrinkan markii ay ninkeeda u sheegtay uu garaacay isagoo ku doodayay inay ceeb usoo jiiday qoyska. Waxayna intaasi ku dartay inay 90 maalmood biyo iyo raashin la’aan miyiga wareegaysay ka dib markii ay ka baxsatay tuuladeedii. Xaaladaasi ayay kula kulantay dumar kale oo xaaladan ku jira oo iibiya khudrada si ay noloshooda ula soo baxaan, sidaasi ayay ku asaaseen tuulo u gaar ah, iyagoo halkaasi ka hela dakhligooda nololeed oo nidaamsan.