Khubarro Biritish Ah Oo Ikhtiraacay Qalab Cusub Oo Dadka Ilkaha Lagaga Saarayo

0
305

Khubaro u dhalatay wadanka Ingiriiska ayaa soo saaray qalab cusub oo yaraynaaya xanuunka badan ee qofku la kulmo marka laga saaraayo ilkaha,kaas oo fududaynaaya in ilkaha qofka laga saaro isaga oo aan dareemin wax xanuun ah.
Qalabkan ayaa meesha ka saaraaya habkii qadiimiga ahaa ee dadka dalkaasi ilkaha looga saari jiray,sidoo kalena meesha ka saaraaya dawooyinka badan ee ay isticmaalaan dhakhaatiirtu.
Qalabkan ayaa la yidhaahdaa Ramanov,waana qalab cusub oo dhowaan la ikhtiraacay ,iyada oo ay tijaabiyeen khubaro ka kala socday jaamacaddo kala duwan oo dalkaasi ah iyo kuwo kale oo dibada ka yimid.
Rebecca Moiziz oo kamid ah dhigeyaasha jaamacadda King’s College ee magaalada London iyada oo ka hadlaysa  qalabkan waxay tidhi “haddii la isticmaalo habkii hore ee ilkaha loo saari jiray oo ah mid soo jireen ah waxay keentaa in qofkaasi uu dhaawacyo ku yeesho ciridka,iyada oo laga yaabo inuu xanuuno ka qaado dhaawacyadaasi,haddii la isticmaalo qalabkan ma jiro xanuun badan oo la dareemayaa,sidoo kalena ma leh nabaro uu u yelaayo jidhka”.
Qalabkan Ramanov ayaa ah mid ay sheegeen khubaradani inay ku jirto ama uu wato dawo dabiici ah oo keenaysa in aanu qofkasi dareemin xanuun marka ilkaha laga saaraayo,iyada oo sido kalena lagu nadiifin karo ,laguna daweyn karo gunta hoose ee ilkaha,waxaanay u bixiyeen qaabkan ama habkan Re-depositon of Metals Electrically.
Qalabkan ayaa marka la isticmaalaayo waxa la gelinayaa dabka,kaas oo noqonaaya mid daciif ah oo aan waxba yeelayn qofka.
Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 60 ilaa 90 boqolkiiba caruurta caalamku ay lee yihiin Suus iyo ilko xanuun,iyada oo ay khubaradanina raadinayaan cid sii maal gelisa qalabkan oo ay ku baxayso toban kun oo Dollar.
 

Leave a Reply