Shirkadda SONY Oo Saartay Diyaarad Aan Cidi Kaxanayn

0
319

Shirkadda laga lee yahay wadanka Japan ee Sony ayaa soo saartay diyaarad yar oo bilaa duuliye ku duulaysa,iyada oo lagu maamulaayo Computer,waxaanay u shaqaynaysaa sida Robot ka oo kale.
Diyaaradan ayaa loogu talo galay inay fududayso hawlaha kala duwan ee shirkaddasi ay waddo,gaar ahaana qaadida qalabka kala duwan oo ay geynayso hadba halka loo baahdo in la geeyo.
Diyaaradan ayaa nooceedu yahay As-DTO1-E”,waana diyaarad yar oo u shaqaynaysa sida diyaaradaha caadiga ah ,waxaanay awooda inay hawada taagnaato muddo laba saacadood ah,iyada oo qaadi karta alaab dhan culays ahaan ilaa 10 kg,waxaanay geyn kartaa ilaa 170 km/h.
Waxaana lagula soconayaa Satellite ku samaysan iyo sidoo kalena kamarad ku rakiban diyaaradaasi.
Shirkadda Sonny waxa ka caawinaaya samaynta diyaaradan shirkadda kale ee Aerosense oo ah shirkad inta badan soo saarta qalabka loo yaqaano Robot-ka,waana mid ka qayba shirkada Sony ,gaar ahaana dhinaca shaqada,waxaanay doonaysaa shirkadda Sony inay yarayso kharashka kaga baxa qalabka ay meelaha fog fog geynayso iyo meheradaha kale.
Mareeyaha guud ee shirkadda Aerosense ayaa sheegay inay doonayaan inay qalabkan oo kale soo saaraan ,korna u qaadaan dakhligooda oo hadda maraaya 10 billion oo lacagta Yen ka ah,taas oo ay doonayaan inuu gaadho sannadka 2020 lacag dhan $82.6 million.
 
 

Leave a Reply