Wasiir Cusub Oo Iska Baraxay Eedo Loo Jeediyay

0
287

Hargeysa(Dawan):-Wasiir ku xigeenka   wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Cabdi Wadaad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga qoray oo sheegayay in aanu aaminsanayn qaddiyadda Qarranimadda  Somaliland isagoo taa bedelkeega  sheegay in uu Somaliland u soo halgamay imikana uu diyaar u yahay in uu dalkiisa iyo dadkii sa u shaqeeyo.
 
Ugu horrayn isagoo ka hadlayay xilka loo magacaabay iyo sida uu u arko waxaa uu yidhi.. “Xilka la ii magacaabay marka hore madaxweynaha JSL waa mid aan ugu mahad naqayo, mar labaad dareenkaygu arrintaas aad buu ugu faraxsan yahay. Anigu waxa aan ka mid ahaa dadkii qarannimada Somaliland u soo halgamay shirarkii nabadaynta beelaha Somalilandna door shariif ah ayaan ku lahaa, intaa ka dib muddadii ay Somaliland jirtay xilal kala duwan baan xukuumadihii kala dembeeyey ka soo qabtay oo muddo toddoba sannadood ilaa sideed sannadood ah baan wasiir ku xigeen ka ahaa xukuumadii Marxuum Cigaal iyo Xukuumaddii Rayaalle, intaasna waxaan joogay wasaaraddaas ganacsiga rag badan  oo wasaaradda soo marayna waan lasoo shaqeeyey oo illaa toddoba Wasiir baa igu soo maray wasaaradda ganacsiga mudadaas aan xilka hayay . Haddii aan u soo noqdo tan [xilkan] immika la ii magacaabay kolley nin garanaya ayaan ahay waajibaadka iga saaran, doorka igala gudboon ayaanan qabsan doonaa dedaalkaygana waxba kala hadhi maayo kana hagran maayo wixii igala gudboon. Waxaanan fulin doonaa mabaadii’da xukuumaddan magacaabistaydu ku cusub tahay”.
 
Sidoo kale wasiir ku xigeenka qorshaynta oo ka hadlaya wararka laga baahiyey ayaa waxa uu yidhi “Waxaan kale oo aan doonayaa inaan ka hadlo war aniga igu lidi ah oo saaka ay jariiradi iga qortay iyaga oo odhana ninkaasi wasiir ku xigeenka loo magacaabay ma aaminsana qaddiyada Somaliland, aad iyo aad baan arrintaas uga xumahay, waxaanan u sheegayaa shacbi weynaha Somaliland in aanay jirin meel aan kaga hor imi mabaadiida jiritaanka iyo qaranimada Somaliland. Bulshada reer Somaliland-na in badan oo I taqaanna ayaa jirta oo isma faaninayee waxaan ka mid ah dadkii u soo dagaalamay jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, dhuuxayga iyo dhiigaygana qaddiyada Somaliland way raacsan tahay” sidaa ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranku Muj. Cabdi Wadaad, waxaanu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya warka laga qoray “Innamadaas warka iga qoray aniga wax imay waydiin cid kalena waxba may waydiinin ee waxa kaliya ay eed ka dhiganayaan Cabdi Wadaad Xamar buu tegey. Run ahaan Xamar waxa ay la mid ahay magaalooyinka kale ee wadammada jaarkeena waxaaanan aaminsanahay in Xamar ay la mid tahay Jabbuuti ama Addis Ababa. Anigu ma dafirayo oo Xamar waan tegey laakiin su’aashu waxa ay tahay goorma ayaan tegey, maxaase aan ka doonay.”
 
Ugu danbayntiina waxa uu ka hadlay safar u ku  tagay wadanka Soomaaliya waxa uu  yidhi “Anigu dan shakhsi ah oo ii gaar ah ayaan halkaas u tegey anigoo shakhsi ah oo aan xilna haynin xeelad kalena aan wadin. Muddo koobanna waan ku maqnaa halkaas oo aan muraadkayga ka soo fushaday. Waxaanse leeyahay jariiradda warkaas aniga iga qortay waxa ay iga gashay fal dembiyeed shakhsi ah iyo sumcad dilis iyo weliba been abuur. Iyaga ayaa looga fadhiyaa in ay sharciga hortiisa ka sheegaan halka aan mabda’ kale ku yeeshay iyo halka aan Somaliland kaga soo hor jeestay, iyada oo aanay haba yaraatee jirinba meel warkoodaasi ku arooro.”
 
DawannewsHargeysa office
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Leave a Reply