Waxgarad Beeleed Oo Daadifeysay Nin Suldaanimo Sheegtay Oo Ardaagooda Ka soo Jeeda

0
322

Hargeysa (Dawan)- Odayaasha Cuqaasha Beesha  Maxamed Ismaaciil  ee Isaxaaq Carre, ayaa  sheegay inaanay beeshoodu u baahnayn Suldaan cusub isla markaana daadifeeyay nin Suldaanimo isku caleemo-saaray oo la yidhaahdo Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ay soo saartay Guddida beeshaasi oo u dhignaa sidan:-
“Shir ay yeelatay Beesha Maxamed  Ismaaciil ee Isaxaaq Carre  17/08/2015 waxa ka soo baxay go’aamadan:-

  1. Waxaa beeshu go’aansatay in aanay waqtigan xaadirka ah u baahnayn Suldaan cusub oo beesha ah. Sababta oo ah wax uu wax u dhimayaa midnimada iyo wada jirka beesha iyo amniga guud ee dalka JSL.
  2. Waxay beeshu go’aansatay in ninka Suldaanka doonaya loo diro guddi tusmo ah oo 15 nin ah ay hogaaminayaan  afarta caaqil ee beeshu leedahay oo uu ku jiro jiif caaqilku, si loogu nasteexeyo  ninkaas inuu waxaas iskaga tanaasulo maadaama aan loo baahnayn.  Wuu diiday inuu la kulmo guddidii  iyo cuqaashii hogaaminaysayba. Sidaas daraadeed, ninkaasi wuxuu ka fallaagoobay tallada iyo wada jirkii beesha Maxamed Ismaaciil wixii kaga yimaadana isagaa masuuliyadeeda qaadaya.
  3. Waxay beeshu caddaynaysaa in aanay aqoonsan doonin wax kasta oo saldannad ah oo uu ninkaasi  sheegto iyo qayrkiiba maadaama aan loo baahnayn.
  4. Beeshu waxa go’aansatay in masuuliyiinta dowlada JSL ay wax ka qabato ninkan wax sheeganaya maadaama ay nabadgelyada wax u dhimi karto.

Odayaasha guddida beesha Maxamed Ismaaciil ee Isaxaaq Carre

  1. Jiif Caaqil Maxamuud Maxamed X. Xuseen
  2. Caaqil Cabdi Faarax Yuusuf
  3. Caaqil Jaamac Axmed Cabdi
  4. Caaqil Cali Khaliif Yuusuf
  5. Saleebaan Carab X Siciid (xubin guddida)
  6. Cismaan Ismaaciil Wayrax (xubin guddida)
  7. Gomashe Xaashi Yuusuf (xubin guddida)
  8. Axmed Ismaaciil Cilmi (Gilin) (xubin guddida)
  9. Yuusuf Diiriye Maxamed (xubin guddida)
  10. Xuseen Barre Caali (xubin guddida)
  11. Maxamuud Cabdi Ismaaciil (xubin guddida)
  12. Yuusuf Jaamac Cismaan (xubin guddida)
  13. Siciid Yuusuf Dhuunwareen
  14. Maxamuud Cali Yuusuf
  15. Yuusuf Jaamac Cismaan

Leave a Reply