Shanta Fikrado Ganacsi Ee Aan Suuq Waayin

0
2242

Dhaqaalaha dadka isbedal badan ayaa ku yimaada, iyadoo taasi ay saamayso waxyaabaha ay iibsadaan iyo waxyaabaha aysan iibsan marka dhaqaalahoodu uu hoos u dhaco. Taasi waxay saameyn ku yeelataa ganacsiyada qaarkood oo suuqoodu uu hoos u dhaco, balse waxaa jira ganacsiyo badan oo marnaba aysan dadku ka maarmin isla markaana baahidoodu ay markasta jidho, xitaa haddii aysan daruuri u ahayn nolosha dadka.

  1. Dukaamada cuntada– Cuntadu waa daruuri oo marnaba lagama maarmo, dukaamada cuntada iibiiya suuqoodu ma dhamaado haddii aysan iyagu isku badan oo aysan suuqa iska saarin. Haddii aad furato dukaan cuntada lagu iibiyo waxaa muhiim ah in aad keento badeeco badan oo kala duwan isla markaana aad qiimahaaga ku salayso heerka dhaqaalaha ee macaamiishaada iyo qiimaha dukaamada kula tartamaya.
  2. Goobaha daryeelka caafimaadka– Haddi  ay ahaan lahayd clinic ama farmashiye suuqa daryeelka caafimaadka iyo daawadu waa mid aad u weyn oo baahidiisu aysan dhamaan, balse waxaa muhiim ah haddii aad ku nooshahay wadan sharci ka jiro in aad haysato ogolaanshaha saxda ah ee aad ku furan karto goob caafimaad. Wadamada hormaray qaasataan aad iyo aad ayay u adagtahay in laga furo goob caafimaad balse haddii aad furato suuq waayi maysid.
  3. Goobaha dayactirka– Haddii ay ahaan lahayd goob lagu dayactiro moobeelada, baabuurka, qalab ka guryyaha iyo waxyaabe kale, dadku si joogto ah ayay u haleeyaan alaabtooda isla markaana kuma degdegaan in ay shey cusub soo iibsadaan iyaga oo dayactiri kara. Sidaa darteed dhamaan goobaha lagu dayactiro alaabaha iyo aaladaha kala duwan suuq fiican ayay leeyihiin. Balse waxaa muhiim ah in aad leedahay xirfada loo baahanyahay ama aad haysato shaqaale xirfad leh oo dayactirka ku fiican.
  4. Alaabta caruurta– Waxkasta oo ay caruurtu u baahanyihiin oo lagama maarmaan u ah waxa uu leeyahay suuq weyn. Waxaad ka ganacsan kartaa dharka caruurta, xafaayadaha caruurta, cuntada caruurta, waxbarashada caruurta iwm. Dadku caruur dhalid ma joojiyaan, suuqa caruurtuna waa mid aad u weyn.
  5. Maqaayadaha– Inkastoo dad badan ay bilaabaan cunto karsi marka uu hoos u dhaco dhaqaalahooda, hadana dadku caajis ma joojiyaan taasi oo aad ka dareemi karto sida ay u camiran yihiin maqaayaha iyo goobaha kafeyga laga cabo. Haddii aad haysato fikrad fiican isla markaana aad ku wanaagsan cunto karinta, maqaayaduhu waxay leeyihiin suuq joogto ah.

Xigasho ganacsato.com
 

Leave a Reply