Shaahii Iiraan Illaa Kacaankii Khumayni

0
312

Qeybtii 12-aad
Ayatollah Khumeyni oo ahaa nin caalim ku ah Diinta Islaamka oo muddo 15 sannadood ah musaafuris dibedda uga maqnaa dalka Iiraan, kadib markuu Shaahii dalka ka mustaafuriyey, ayaa dibedda isagoo jooga halgan dheer u galay sidii uu xukunka uga tuuri lahaa Boqorkii Iiraan ee dalka ka masaafuriyey. Asbaabaha uu Shaahii Iiraan dalka kaga musaafuriyey Khumeyni, waxa ka mid ahaa isagoo horseed u ahaa Culimadii Shiicada ee ka horyimid tallaabooyinkii isbeddel ee uu Shaahii ugu yeedhay  kacaankii Caddaa Jan,1963kii. [ White Revolution ]
Waxyaabihii ka mid ahaa isbeddelladii uu ku sheegay Shaahu Kacaankii Caddaa, in xafiisyada dawladda ay ka hawgeli karaan shaqaale aan muslim ahayn, in Wershadihii ku jiray gacanta dawladda laga dhigo kuwa gaar ahaaneed iyo kuwa wadaag ah, in dalka laga bilaabo olole wax qoris iyo akhris la’aanta oo aan ku salaysnayn nidaamka Islaamiga. Arrimahaa iyo kuwa kale oo badan oo aan hore usoo xusnay oo cadaadiska iyo xorriyad la’aantii cabbiraada fikirka, ayaa waxa si cad ugu gacan-saydhay Wadaadkii Khumeyni oo isagu tallaabadaa ku tilmaamay mid aan cuntami Karin shacbiga muslinka ee reer Iiraan, waxanu ku sifeeyey mid lagu dhallan rogayo dhaqanka Islaamiga ee Ummadda. Ayatullaah Khumeyni waxa uu 22 Jan,1963kii soo saaray bayaan uu shacbiga ugu baaqayo inay ku diidaan waxaa uu Shaahu ugu yeedhay Kacaankii caddaa. Islaa waqtigaa waxa uu Khumeyni diyaarsaday baabuur hubeysan oo u sii kaxaysa ilaa iyo magaalada Qom, isagoo ay sii raaceen Culimo sarsare oo Shiico ah, halkaas oo ay ka bilaabeen ololahoodii ka dhanka ahaa siyaasaddii Kacaanka Cad ee uu Boqorku ku doonayey isbeddellada ballaadhan.
3dii June,1963kii oo ku beegnayd maalinta Cashuura, ayaa Khumeyni khudbad uu u jeediyey dadweynihii isugu yimid xuskaa Cashuura ugu sheegay Boqorkii Iiraan, in haddii uu ka noqon waayo isbeddelladiisii uu ku sheegay Kacaanka Cad, inay iman doonto maalin uu shacbigu kabo la’aan kaga saaro dalka. Laba maalmood kadib Khudbaddii Khumeyni kadib, ayaa waxa lagu xidhay magaalada Qom oo ahayd halkii uu khudbad ka jeediyey Wadaadkii Khumeyni, iyadoo si degdeg ahna loogu soo wareejiyey magaalo madaxda dalka Iiraan ee Tahraan. Khumeyni inkasta oo la sii daayey Ogost, 1964kii, haddana marna kama tanaasulin go’aankiisii uu kaga soo horjeeday Isbeddelladii uu ku dhaqaaqay Shaahii, waxana la xidhay laba jeer oo kale oo isla sannadkii 1964kii ahaa.
Tan iyo dabayaaqadii lixdameeyadii Khumeyni iyo shan wadaad oo kale waxa ay ka mid ahaayeen culimada aan laga daba hadal ee MARJACA uu ahaa dadka aaminsan madhabta Shiicada. Waxa uu bilaabay Khumeyni inuu soo saaro buug uu si ballaadhan ugu faahfaahinayo waxa uu ka aaminsan yahay waxa la yidhaa dawlad, taasoo uu isagu saldhig uga dhigay hannaanka maamul, siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee ay yeelanayso dawladdaa Islaamiga ee uu aaminsanaa in lagu hoggaamiyo dalka Iiraan, waxanu buuggaasi noqday mid si baaxad leh ugu dhex baahay bulshada reer Iiraan.
Wadaadkii Iiraan ee Ayatullaah Khumeyni, waxa uu gudaha dalka ku yeeshay dadweyne aad u tiro badan oo taabacsan Khumeyni, gaar ahaana dhallinyarada. Taageerradaa ballaadhan ee uu gudaha ku yeeshay Khumeyni, waxa si cad loo arkay kadib mar xabsiga laga soo daayey bishii Nov,1964kii oo loo geeyey Ra’iisal Wasaarihii Boqortooyada Iiraan ee la odhan jiray Xasan Cali Mansuur, ayaa waxa uu ka dalbay inuu ka noqdo go’aankiisii uu kaga soo horjeeday isbeddelladii Boqorka, balse markiiba Khumeyni wuu diiday. Ra’iisal Wasaarihii ayaa waxa uu isagoo ka cadhaysan fara-gorgor wejiga kaga dhuftay Khumeyni.
Dhacdadii foosha xumayd ee uu Ra’iisal Wasaaruhu kula kacay Wadaadkii Khumeyni ee marjaca u ahaa dadka Shiicada, ayaa si aad ah uga xanaaqay, una arkay mid lagu bahdalayo hoggaamiyayaasha diinta Islaamka. Dhawr maalmood dabadeed, ayaa Ra’iisal Wasaarihii oo ku s………………………………………….       ii socda kulan uu la lahaa golaha baarlamanka, ay koox dhallinyaro ah oo loo bixiyey naftood hurayaal oo raadcaynayey isaga ay ku toogteen bartii ay kula kulmeen, sidaana ku khaarajiyeen Ra’iisal Wasaarihii Mansuur. Kooxdii dhallinyarada ahayd oo la qabqabtay, ayaa iyagana dhammaantood la toogtay, waxayna sii kordhiyeen dhacdooyinkaa xidhiidhsanaa in  shacbigu ku sii dhiirado sidii uu isaga difaaci lahaayeen Boqortooyadii Iiraan. L A SOCO…………………………….
 

Leave a Reply