Wasiirka Diinta Oo Ka War Bixiyay Manhajka Madaariista Diiniga Ah Ee Somaliland

0
344

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar inta badan dadku wax iska waydiiyaan oo sheegaya in dalka lagu dhigto manhajyo diini ah iyo madbaho kala duwan oo is khilaafsan oo ubadka lagu baro madaariista.Waxaanu taa bedelkeega sheegay in manhajka kaliya ee Islaamiga ah ee dalka laga dhigaa in uu yahay Manhajka Sunna Wal-jameeca oo ah Madhabul-Shaaficiya.
 
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska DAWAN.
Wasiir Khaliil oo ka jawaabayay su’aal aanu ka weydiiyay siday wax uga jiraan wararka sheegaya in madaariista Islaamiga ah ee Somaliland lagu dhigto Manhajyo kala duwan iyo madaahiib islaamiya oo kala gedisan,waxaanu yidhi  “Horta waxaa marka hore waajib innagu ah in ubadkeenna aynu barno Quraanka Kariimka ah oo aynu soo saarno ubad xambaarsan kitaabka ALLE iyo Sunnaha Rasuulka(SCW) markaa dalkana diinta waxaa uga masuul ah Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ah halka laga hago,markaa dalka waxaa lagu dhigtaa hal manhaj oo kaliya oo Islaami ah oo ah Sunna Wal-jameeca oo ah Madbabta Shaaficiyada oo ah Madhabta aynu ku dhaqano ee Somaliland,waxaanan bulshadda u caddaynayaa in aanay jirin madaariis lagu dhigo wax aan ahayn intaa aan sheegay waxa  waajib ah in aad ogaato marka horeba Manhajka Islaamku waa   mid qudha oo ah Kitaabk Quraanka ah iyo Sunnaha Rasuulka(CSW) waxba laguma dhex darsan karo, intaa waxaan raacinayaa culimadda dalka ee   aqoonta diinta inoo haysa ayaa madaariista ka masuul ah oo waxaa jirta Guddi ay madaariista Diiniga ah oo illaa 70 madarasadood ahi ay leeyihiin waxaana ka soo baxa oo innooga soo aflaxa ardayda aynu sannad kasta Ramadaanta Tartanka Quraanka u qabano ee Madaxweynuhu abaalmarinada guddoonsiiyo markaa waxaan leeyahay dadka yaan dacaayad laga fidin madaariista lagu dhiganayo kitaabka ALLE.”
 
Wasiir Khaliil oo aanu waydiinay doorka ay Wasaarad ahaan ku leeyihiin Madaariista iyo nooca xidhiidh ee ay wadaagaan,ayaa ku jawaabay. “Wasaaradda ayaa ka masuul ah oo siyaasiyan qorshaha furitaanka Madaariista soo ogolaata isla markaana siisa ruqsadda waxaa kale oo aanu ka taageernaa in aanu dawladda hoose u waydiino cashuur dhaaf ay u samayso madaariista diiniga ah kol haddii kitaabka ALLE lagu baranayo.”
 
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay  haddii canshuur shaaf loo sameeyo madaariista sababta ay qiimaha caruurta qaaliga uga dhigeen waxay wax uga qaban waayeen,waxaanu yidhi  “Horta Quraanka dhigistiisa maaha in lacag laga doono oo laga ganacsado Madaariista dalkuna ardayga ugu badan 15 Dollar ayay ka qaadaan oo baskii ku jiro waxaa kale oo jira qoyska afar ubad ahi u dhigtaan qaar ayaa bilaash ah waxaa kale oo jira arday aan awoodin in ay lacagtaa iska bixiyaan oo si waqaf ah loogu dhigo markaa waa la isku wadaa oo la isku daalac naasilaa ee maaha in laga dhigo in quraankii lacag laga shaqaysanayo.”
 
Wasiirka Diinta  oo aanu ugu dambayn waydiinay in ay qorshaha ugu jirto ka wasaarad ahaan in ay sameeyaan Madaariis diiniya oo qaranku leeyahay oo ay ka masuul yihiin,ayaa ku jawaabay. “Waxay taasi ku xidhan tahay hadba awoodda aynu leenahay markaa hadday awoodeenna dhaqaale innoo saamaxdo waynu samaynaynaa oo waa la hir-gelin doonaa laakiin imika awoodeedii ma hayno,waxaa kale oo jira in Dawladda hoose ay masuul ka tahay waxbarashada aasaasiga ah oo ah malcaamadaha waxaana Hargeysa xilligiii Soomaaliya aynu ka midka ahayn ka jiri jiray illaa afar Malcaamad quraan oo waawayn oo ka jiri jiray waxaanan soo celin doonnaa markeeda iyo goorta ay innoo suurtogasho,maanta intii Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo tallada haysay waxaa kor u kacday waxbarashada aasaasiga ah ka dib markii dugsiyada hoose/dhexe laga daayay lacagtii laga qaadi jiray oo suuro-galisay in ay dadkii danyarta ahaa ay ubadkooda u helaan waxbarasho bilaash ah waana tallaabo wanaagsan oo aan ku hambalyaynayo Madaxweyne Siilaanyo oo hirgeliyay,Madaariis diiniya oo qaranku  leeyahayna maalinta ay duruurfu innoo saamaxdo waynu hir galinaynaa.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply