Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Go’aankii Golaha Wakiillada

0
311

 Hargeysa (Dawan):-  Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland iyo Maareeyaha haamaha kaydka shidaalka Berbera, ayaa ka hadlay go’aankii ay shalay Golaha Wakiilladu ku laaleen in shirkaddaha shidaalka dalka keena lagu wareejiyo haamaha kaydka shidaalka Berbera.
 
 
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir ayaa warbaahinta u arkhriyay war-martiyeed ay kaga hadlayaan sida ay Xukuumad ahaan u arkaan go’aankaasi, waxaanu sheegay in Golaha Wakiilladu aanay xaq distooriya u lahayn inay qaraar ka soo saaraan masuuliyada ay Wasaaradoodu  qaranka uga wakiilka tahay, waxaana lagu yidhi war-murtiyeedkaas sidan:- “Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ahi waa wasaaradda u xilsaaran qaranka jamhuuriyada Somaliland maamulka guud ee haamaha kaydka shidaalka Berbera, waxa ay gali kartaa heshiisyo ganacsi iyo maalgashi iyada oo ka wakiil ah xukuumada JSL, arrintaasna waxa u baneeyey distoorka jamhuuriyada Somaliland, ma jiro heshiis ku saabsan haamaha kaydka shidaalka oo aanu u gudbinay xukuumadda, madaxweynuhuna u gudbiyey golaha wakiilada, Sidaas darteed, la garan maayo waxa ay laaleen golaha wakiilada JSL, xaqna uma laha inay ka hadlaan, ka doodaan ama yidhaahdaan qaraar ayaanu ka soo saarnay, heshiish aanay u soo gudbin Xukuumada JSL, iyaga oo ku shaqaynaya warar ku tidhi ku teen ah. Tallaabadan ay qaadeen waa mid khilaafsan shuruucda dalka iyo dastuurka JSL. Tallaabadana waxaa ka dambeeya qaar ka mid ah asxaabta siyaasadda kumana habboona in  mashriicda horumarinta  qaranka la isku hortaago oo lagu carqaladeeyo danno siyaasadeed oo gaaban. Xukuumada JSL waxaa ka go’an inay dedaal walba u gasho sidii bulshadana loo horumarin lahaa.”
Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Somalilnad Muuse Qaasim Cumar oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi  “Arrintan hadda laga hadlayo, waxay haamuhu u shaqayn jireen awalba shirkaddaha shidaalka keena ee Somalilnaderiska ah, shirkaddihii awalba ay u shaqayn jirtay shidaalka uun baa  la isla soo qaaday oo ilaa muddaba soo socotay in laga kireeyo, iyagoo awalba laga kirayn jiray, khidmadna laga qaadi jiray, cashuurta dawladdana laga qaadi jiray. Markaa  had iyo goor Xukuumadda jirtaa hantida ay haysaa sida Ummmadda ay ugu fiican tahay ee kuwa isticmaalana uga midho-dhalinayso ee danta dadka la eegayo.” Ayuu yidhi Wasiirka ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim Cumar.
Dhinaca kale Maareeyaha haamaha kayadka shidaalka Saleebaan Siciid Cali ayaa ka hadlay warbixintii ay guddida hantida qaranka ee Golaha Wakiilladdu  siisay mudaneyaasha, waxaanu yidhi  “Markii aan la kulmay guddida dabo-galka hantida qaranka oo waxaanu ku kulanay xafiiskooda, waxaan xilka hayay sannad buuxa, markaa warbixintii ay  soo saareen iyo wixii ay shalay (doraad) golaha ka sheegeen dee war aanu  u sheegnay iyo hanaan xisaabeed ay annaga naga heleen midna may ahayn, runtii waxaanu u soo gudbinay odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, markaa Golaha Wakiilladu waxay sheegeen in kharash dhan 24 Milyan haamaha ka soo baxaan, runtii waa arrin la yaab  leh. Kharashka aanu ku shaqaynaa waa kii goluhu noo ansixiyay 2014, kii sannadkii ka horeeyayna uu noo ansixiyayna waanu ku shaqaynaa, waxaanay martaa hab xisaabeed adag oo hal litir oo qaranka soo galaana cashuurta ama adeegga laga qaado ee uu haamaha kaga soo baxo iyo inta litir ee ka baxdaa , hadday maalinleh tahay iyo hadday tahay sannadleh iyo hadday tahay bishii, waa nidaam cad weeyaan.”
Maareeyaha haamaha shidaalka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Markaa Xildhibaanada warbixin aanan u gudbin ayay  yidhaahdeen maamulkii haamaha ayaa noo soo gudbiyay, markaa annagu warbixintaas umaanu gudbin, warbixintayaduna way caddahay. Waraaqaha ay naga hayaan, kuwa xafiiskayga yaala iyo kuwa Wasaaradda ganacsiga yaala saddexduba waa isku mid, markaa waxa wanaagsanayd inay wixii aanu isku ogayn Xildhibaanadu iyo wixii aanu u keenay inay akhriyaan oo warbixintii sheegaan.”  Saleebaan  Siciid Cali waxa uu intaas ku daray  “Markaa annigu nidaamkaa xisaabaadka uun baan ka hadlayaa oo aan xisaabta halkaa laga akhriyay mid golaha aanu u gudbinay may ahayn, muddada annagu aanu kulanayna buuqan iyo fawdadani may taagnayn oo bishii 5-aad ee sannadkan ayaanu kulanay, markaa xilli la nabad qabo ayaanu kulanay, warbixin fiicana way naga bixiyeen warbixin wanaagsana waanu kala qaadanay, kan maanta ee naloo sibir saaray aad buu noogu cuslaaday. Markaa anigu kaas uun baan ka hadlayaa shaqadayada waafaqasan.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply