Wasiirka Boosaha Oo Shirkadaha Is-gaadhsiinta Dalka Uga Digay In Ay U Hogaansamaan Xeerka Soomaaliya

0
355

Hargeysa (Dawan):  Wasiirka wasaaradda boosaha iyo is-gaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi  Faysal Cali Sheekh ayaa uga digay shirkadaha is-gaadhsiinta ee dalka ka hawlgala inay u hogaansamaan xeerka  is-gaadhsiinta ee dawladda fadhiidka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka   iyo agaasimaha guud   oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada boosaha ee magaaladda Hargeysa   waxay  sheegeen  in aanay aqbali doonin xeerka baarlamaanka Soomaaliya hor- yaalla ee lagu soo faro-gelinayo Somaliland.  Waxaanay  tilmaameen in Somaliland leedahay xeerka is-gaadhsiinta oo lagu maamulo shirkadaha   dalka ka hawlgala.
 
Wasiir Abgaal ayaa ugu  horrayn  arrintan ka hadlay waxa  uu yidhi “Xeerka is-gaadhsiinta Somaliland golaha  Wakiiladda ayaa ansixiyay sannadkii 2010-kii oo dhaqan-galay oo aanu ku shaqayno is-gaadhsiinta oo Somaliland lagu maamulo. Waxa lagu wad-wadaa baarlamaanka Soomaaliya xeer kale, kaas oo ay inaga khusayso furaha is-gaadhsiinta oo aynu wada isticmaalno. Sidaa darteed waxaan doonayaa in aan cadeeyo in Somaliland xeer leedahay, dawladnimadii ayaanu ku kala tagnay Xamar, in wixii kalena si sharaf leh aynu ugu kala tagno ayaa wanaagsan.”
 
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaad moodaa runtii in aanay gelin dawlada Soomaaliya in ay faro-gelinta ka daayaan Somaliland.  Waxaan  cadaynayaa in aanu anaga na khusayn xeerkaasi, namana khusayn doono, haddii wanaaga la waayo anaga waxayagu waa noo diyaar.  Waxaan  ka codsanaynaa  Soomaaliya in ay ku koobnaadaan dadka ay u adeegayaan oo aanay khusayn Somaliland oo yaanay ku xiiqin waxa aan macno lahayn” Ayuu yidhi wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mudane Maxamed Jaamac Abgaal.
 
 
Wasiir Abgaal waxa uu uga digay shirkaddaha isgaadhsiinta ee Somaliland inay u hogaansamaan xeerka baarlamaanka Soomaaliya  horyaala. Waxaanu  yidhi “Shirkadaha is-gaadhsiinta ee wada shaqayntu naga dhaxayso ee Somaliland ka hawlgala waxaan u sheegayaa in aanu khusayn xeerka baarlamaanka Soomaaliya horyaala oo aanay kala hadli Karin.  Tallo  ku darsan Karin, la xidhiidhi Karin, xataa kama wada shaqayn karaan cidii hawlahaa gashana  ee  daydaynimo ka muuqatana waanu u fasaxaynaa Soomaaliya  ha iskaga noqoto,  laakiin halkan ka shaqayn mayso waanan  ka digaynaa.”
 
Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda boosaha iyo is-gaadhsiinta  Faysal Cali Sheekh ayaa isna sheegay in wasaaradda boosuhu u xil-saaran tahay inay sharciyayso shirkadaha is-gaadhsiinta ee dalka ka hawlgala.  Waxaanu  tilmaamay in xeerka baarlamaanka Soomaaliya   hor-yaalaa  uu khilaafsan yahay xeerka Somaliland ee is-gaadhsiinta.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa  uu yidhi “Shirkadaha is-gaadhsiintu waxay  ka  diiwaangashan yihiin wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta inta ka hawlgasha dalka qaarkood,  waa laga yaabaa  in ay meelo kala duwan ka sahqeeyaan,  caalamkuna wuu isku xidhan yahay.  Ujeedadu  ma aha telefoonka aduunyada kula xidhiidhno lagama hadlayo,  balse waxa laga hadlayaa shuruucdii iyo nidaamkii  ay ku dhisnaayeen.  Shirkaduhu  wasaaradani waxay u xilsaaran tahay in shirkaddaha ay diiwaangeliso isla markaana ay sharciyayso shirkadaha.”
 
“Xeerkan baarlamaanka Soomaaliya wado waxa ku qoran in diiwaangelintii iyo liisankii iyo cashuurtii wixiiba Xamar lagaga qaadayo, taana  waxaan u aragnaa in arrintaasi tahay arrin aan waafaqsanayn nidaamkeena” ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.
 
Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii watay waxa  uu yidhi  “Xukuumadda madaxweyne Axmed  Siilaanyo markii ay xukunka  la wareegtay 2010 hawshii u horaysay ee ay qabatay waxay ahayd xeerka is-gaadhsiinta ee namber 50  2010 soo baxay  waa  lagu shaqeeyaa.  Waxaan  uga digaynaa shirkadaha is-gaadhsiinta ee ka hawlgala Somaliland inay kala  shaqeeyaan dawladda Soomaaliya,  ee doonaysa in ay  nidaamka khaldan Somaliland kula shaqayso oo ay ku maamusho.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply